7/19/2025
Today from Hiiraan Online: Somali forces target Al-Shabaab militants in Lower Juba regi...
Wararka Maanta- Khamiis, July 3 , 2014
Xukuumadda Somalia oo beenisay in Geela Somalia laga helay Cudurka MERS

Khamiis, July 03, 2014 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inuusan qabin geela Soomaaliya cudurka MERS oo dad badan ku dilay dalka Sucuudi Carabiya, sida ay daabacday maanta wakaaladda wararka Reutres.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh ayaa lagu sheegay hadalkan, kaddib markii dahwaan ay dowaldda Saudi Arabia ay sheegtay in geela dibadda laga keeno laga helay cudur-sidaha MERS oo boqolaal qof ku dilay dalka Sucuudiga.

Ra’iisul wasaaraha ayaa qoraalkiisa ku sheegay in xogta ay hayso dowladda aysan jirin wax cudur ah oo uu qabo geela Soomaaliya laga dhoofiyo, isla markaana aan caddeyn loo hayn in cudur-sidaha MERS laga helay geela Soomaaliya.

“Tan iyo markii uu xanuunka MERS dillaacay ma jirto wax caddeymo ah oo la xariira cudurkan oo lagu arkay Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyadoo intaas lagu daray in xayiraad lagu soo rogo dhoofinta Geela Somalia ay dhibaato dhaqaale ku kaanayso ganacsatada xoolaha Soomaaliya.

Dowladda Somalia ayaa sheegtay inay la shaqeyn doonto hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO iyo dowladaha kale ee saaxiibka ah si loo hubiyo in cudur-sidaha MERS uusan ka jirin Soomaaliya, ayaa warbixinta lagu yiri.

Qiyaastii 4.7 milyan oo xoolo nool ah ayay ganacsatada Soomaaliyeed sannadkii la soo dhaafay u iib-geeyeen dalka Sucuudiga oo keliya, kuwaasoo 80% ay ka ahaayeen ari iyo ido.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii sarkaal ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee dalka Sucuudiga oo lagu magacaabo, Taariq Madani uu sheegay in Geela caalamka looga soo dhoofiyo laga qaado xanuunka MERS, kasoo boqolaal qof ku dilay dalka Sucuudiga iyo dalal kale oo Khaliijka ka tirsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya