4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 15, 2013
Kooxo Hubeysan oo Nin Dhallinyaro ah oo Xalay ku dilay Degmada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari

Jimce, Maarso 15, 2013 (HOL)- Dabley hubeysan ayaa xalay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ku diley wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jirey Mustafe Ibraahim Jeneraal.

Wiilkan oo uu dhalay sarkaal horay xilal kala duwan uga soo qabtay maamulka Puntland, islamarkaana ka tirsanaa madaxda jabhaddii SSDF, waxaa salaaddii makhribka kaddib lagu toogtey xaafadda Raf iyo Raaxo ee koonfurta magaalada Boosaaso.

Kooxda dilka geystey oo aan ilaa iyo hadda haybtooda la aqoonsan ayaa durbadiiba goobta ka baxsaday, waxaana daqiiqado kaddib aagga uu dilku ka dhacay soo gaarey ciidamada Booliska oo halkaas baaritaan ka sameeyey.

Ma cadda ilaa iyo hadda sababta wiilkan loo bartilmaameedsaday, mana jiraan sidoo kale dad ay Boolisku falkaas usoo qabteen, waxaase sida ay Saraakiil Booliska ka tisani HOL u sheegeen weli socda baaritaan arintaas la xiriira.

Waa qofkii labaad ee tan iyo bishii Febaraayo ee sanadkan 2013 lagu dilo magaalada Boosaaso, waxayna arintani kusoo aadeysaa xilli ammaanka magaalada Boosaaso uu bilihii u danbeeyey ahaa mid aad u wanaagsan.

Dilalka qorsheysan ayaa saddexdii sano ee ugu danbeeyey si aad ah ugu soo badanayey magaalada Boosaaso iyo guud ahaan Puntland, waxaana xusid mudan in laga soo bilaabo sanadkii 2010 Boosaaso keliya lagu diley in ka badan 40 qof.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya