4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 13, 2013
Golaha Dastuuriga dalka Jabuuti oo ku dhawaaqay Natiijadii kama dambeysta ahayd ee Doorashadii Baarlamaanka

Arbaco, Maarso 13, 2013 (HOL) — Golaha dastuuriga ah ee dalka Jabuuti ayaa ku dhawaaqay maanta natiijada kama dambeysta ah ee doorashadii baarlamaanka dalka Jabuuti oo dhacday dhamamadkii bishii Feberaayo ee sannadkan.

Isbahaysiga talada ah ee UMP ayuu goluhu sheegay inuu baarlamaanka ka helay 50 kursi, halka xisbiga mucaaradka ah ee USN uu isaguna helay 10 kursi oo keliya, waxaana halkaas ku qaday xisbiga CDU oo ka mid ah kuwii ka qaybgalay tartanka.

Baarlamaanka Jabuuti oo ka kooban 65 kursi ayaa waxaa aqlabiyaddiisa ay gacanta ugu jirtaa xisbiga talada haya, iyadoo doorashadan oo Jabuuti oo dhan ka dhacday si weyn loogu murmay markii ay soo baxday natiijadii hordhaca ahayd.

Afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee CDU, Cabdi Axmed Yuusuf oo ka mid ahaa xisbiyadii doorashada ka qaybgalya oo saxaafadda u warramay markii lagu dhawaaqay natiijada doorashad ayaa sheegay in xisbigoodu uu kasoo horjeedo natiijada lagu dhawaaqay, isagoo sheegay inay maalmaha nagu soo aadan ay kasoo saari doonaan warbixin.

Sidoo kale, afhayeen u hadlay xisbiga USN oo 10% ka helay 65-ka kursi ee baarlamaanka Jabuuti uu ka kooban yahay ayaa isaguna sheegay inay kasoo horjeedaan natiijada, ayna dhawaan soo saari doonaan warbixin ku saabsan natiijada lasoo saaray.

Doorashadii baarlamaanka dalka Jabuuti oo ahayd middii ugu horreysya oo ay mucaaradku si toos ah uga qaybqaataan ayaa waxay dhalisay dibad-baxyo dhaliyay khasaarooyin kala duwan, kuwaasoo loo xirxiray xubno badan oo mucaarad ah.

Isbahaysiga talada haya ee UMP ayaa soo dhaweeyay natiijad maanta lagu dhawaaqay, iyagoo sheegay in mucaaradku ay ogolaadaan natiijada oo ah mid ay soo saareen gole dastuuri ah oo la isku raacsan yahay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya