4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 13, 2013
Jen. Cabdi Qaybdiid oo shaaciyay inuu fashilmay kulan dhexmaray Maamulka Galmudug iyo Dowladda Soomaaliya


Arbaco, Maarso 13, 2013 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Galmudug, Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa sheegay in wadahadallo dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ay fashilmeen, kaddib markii la isku afgaran waayay qodobbadii kulanka looga hadlay.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa la sheegay in markii uu tagay Gaalkacyo uu ka dalbaday maamulka Galmudug inay ku biiraan maamul kale si ay u buuxiyaan shuruudaha looga baahan yahay maamul-goboleedyada dalka, taasoo ay Galmudug ku gacan-sayrtay.

“Si wanaagsan ayaan u soo dhaweynay mas’uuliyiintii ka socday dowaldda Soomaaliya, balse kulan aan la yeennay ayaa dhammaaday iyadoo aanay waxba kasoo bixin, kaddib markii ay waxyaabo yaryar soo dhexgaleen,” ayuu yiri Jen. Qaybdiid oo u warramayay VOA-da.

Mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd sida ay u arkaan hadlka ra’iisul wasaaraha ayaa wuxuu sheegay in deegaannaa uu maamulkooda ka taliyo uu ka kooban yahay laba gobol oo kala ah Mudug iyo Galmudug, sidaa darteedna ay isku arkaan inay buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa.

“Innagu diyaar ayaan u nahay in laga wadahadlo arrintan, waxaana sidoo kale diyaar u nahay inaan maamul la wadaago ciddii diyaar u ah sida Ximan iyo Xeeb iyo Ahlusunna Waljmaaca,” ayuu yiri Jen. Cabdi Qaybdiid.

Jen. Qaybdiid wuxuu sheegay in maamulka Galmudugu uu ka mid ahaa maamulladii saxiixay heshiiskii Roadmap ee looga baxay xilligii KMG ahaa ayna aad uga xun yihiin in xilligan loo arko inuusan ahay maamul goboleed buuxiyay shuruudihii.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin khilaafkan cusub ee uu shaaca ka qaaday Jen. Cabdi Qaybdiid, iyadoo maamulkan oo dhisan muddo afar sano ah ay noqonayso markii ugu horreysay oo la sheegay inuusan ahayn maamul goboleed dhameystiran.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa booqasho maalin ah ku tagay halkaas kaddib markii uu saddex maalmood ku sugnaa Puntland uuna heshiis is-kaashi ah lasoo galay madaxweynaha maamulkaas, C/raxmaan Faroole.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya