4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 13, 2013
Kulan dhaqaale loogu raadinayay Dhismaha Jaamacadda Bariga Afrika Faraca Buuhoodle oo Degmadaas lagu qabtay

Arbaco, Maarso 13, 2013 (HOL) — Kulan lagu gorfeynayey sidii dhaqaale loogu samayn lahaa dhisme xarunta jaamacadda Bariga Afrika faraceeda magaalada Buhoodle hore loogu deeqay oo qabyo ah ayaa maanta lagu qabtay xaarunta jaamacadda.

Kulankan oo ay kasoo qayb-galeen masuulinta jaamacadda, culummada gobolka, odayaasha iyo waxgaradka magaalada ayaa ujeedka laga lahaa uu ahaa in laga warbixiyo heerka uu haatan marayo dhismaha jaamacada loogu deeqay.

Guddoomiyaha jaamacadda Bariga Afrika faraceeda Buuhoodle, Dr. C/shaafi Axmad Cali oo halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahiyay wixii illaa iyo hadda uga  qabsoomay dhismaha jaamacadda, isagoo tilmaamay inay kasoo gaadhay lacag dhan shan kun oo doollarka Maraykanka ah jaaliyadda dalka Ingiriiska hase ahaatee ayna dhamytirin ee uu wali qabyo yahay dayctirka dhismaha loogu deeqay oo ka kooban sagaal fasal iyo xafiis.

Waxaa sidoo kale ka hadlay goobta, Sheekh Mukhtaar Axmad Xaaji Faarax waxaanu mahad u soo jeediyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska iyo ka qayb-qaadashadooda dayactirka  xarunta jaamacadfa oo 5,000$ ay horey ugu soo direen, waxaanu ka codsaday jaaliyadaha Doomaaliyeed gaar ahaan kuwa kasoo jeeda gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn inay ka qayb-qaataan dhameystirka xarunta jaamacada Bariga Afrika ee Buhoodle.

Qaar ka mid ah waxgaradka deegaanka Buuhoodle oo iyaguna ka hadlay ayaa sheegay kulankani ayaa dadwaynaha ku boorriyay wax u qabashada  iyo taageeridda hiil iyo hooba leh ee loo baahan yahay  in lala garab-istaago xaruntan ugubka ah ee jaamacadda Bariga Africa .

Jaamacaddan oo furnayd muddo ka yar sanad ayaa waxay heshay dhisme iyo dhul balaadhan oo ay ugu deeqeen dadka degaanka Buuhoodle taasoo weli dhamaystirka, balse laga sugayo dadka deegaanka inay gabgabeeyaan dhismaha xarunta jaamacadda si caruurtooda ay wax ugu bartaan.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool