4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 13, 2013
Maydadka Dhallinyaro la Toogtay oo Saakay lagu Arkay Xaafadda Gubta oo ka tirsan Degmada Dayniile ee Muqdsiho

Arbaco, Maarso 13, 2013 (HOL) — Afar dhallinyaro oo la toogtay ayaa lagu arkay saakay xaafadda Gubta oo ka tirsan degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn cidda dilkooda ka dambeysa, waxayna sare u qaadayaan maydadka lagu arkay jidadka Muqdisho 24-kii saac lasoo dhaafay.

Maydadka ayaa la sheegay in si xun looga madaxa, iyadoo dadka deegaanku ay walaac xooggan ka muujiyeen dilkan, iyadoo ehellada dadkan qaarkood ay sheegeen in dhallinyarada ay markii ugu dambeysay gacanta ugu jireen cidiamada dowladda.

“Dhallinyarada maydadkooda la arkay waa kuwo ay rasaas badan kaga taallo madaxa, waxayna da’doodu u dhexeysaa 20 jir illaa 27 jir, lama oga cid ka dambeyay dilkooda iyo sabab loo dilay intaba,” ayuu yiri Xuseen Cumar oo ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlya saxaafadda.

Goobjoogahan ayaa sheegay in dhallinyarada lagu toogtay halka laga helay maydadkooda, isagoo sheegay inay noqonayaa kuwii ugu badnaa ee mar qura lagu arko maydadkooda meel qura tan iyo sannadkii hore.

Saraakiisha ciidamada ammaaanka ee dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin maydadka dhallinyarada lagu arkay saakay xaafadda Gubta ee degmada Dayniile, iyadoo tirada maydadka illaa shalay lagu arkay jidadka Muqdisho ka dhigaysa lix ruux.

Dhanka kale, ehellada ruux maydkiisa shalay lasoo dhigay jidka warshadaha oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in wiillkan ay qabteen ciidammo ka tirsan dowladda Soomaaliya lana toogtay, iyagoo sheegay in dilkiisa ay uga shakisan yihiin ciidamada dowladda.

Afhayeenka laanta dambi-baarista ee booliiska CID, Jen. C/llaahi Xasan Bariise oo saxaafaddu wax ka weydiisay ayaa sheegay inay arrintaas ay ku sameyn doonaan baaritanno dheeraad ah.

Magaalada Muqdisho oo ay ka talinayso dowladda Soomaaliya ayaa waxay u muuqataa inay soo kordhayaan falalka toogashada ah ee loo geysanayo dadka rayidka ah, iyadoo Al-shabaabnay ay sheegatay dilka laba ruux oo toddobaadkan lagu dilay Muqdisho, kuwaasoo ay ku sheegtay sarkaalkii ka tirsan hay’adda nabadsugidda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya