4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 18, 2013
Wafdi ka socday Gobolka Gedo oo si Diirran loogu soo Dhaweeyay Magaalada Kismaayo ee Gobolka J/Hoose (SAWIRRO)


Isniin, Maarso 18, 2013 (HOL) —Waxaa maanta gelinkii danbe garoonka caalamiga ah ee magaalada kismaayo kasoo dagtay diyaarad siday wafdi ka kooban odoyaal iyo siyaasiyiin ka yimid gobolka Gedo, kuwaasoo ka qeybqaadan doona shirka maamul u sameynta gobollada Jubooyinka ee ka socdo degmada Kismaayo.

Wafdigan ayaa kasoo ambabaxay degmada Doolow ee gobolka Gedo, iyadoona ay horkacayeen xubno katirsan gudiga qabanqaabada shirka maamul us ameynta gobollada Jubooyinka, kuwaasoo mudooyinkii u danbeeyay safar ugu maqnaa degmooyinka kala duwan ee gobolkaasi.

Wafdiga ayaa markii uu soo dagay waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay masuuliyiin sare oo katirsan maamulka KMG ee degmada Kismaayo oo uu horkacayay gudoomiye kuxigeenka maamulka KMG ee Kismaayo Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer).

Xubno katirsan wafdiga oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka ayaa sheegay in ay u yimaadeen sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen shirka la doonayo in maamul loogu dhiso gobollada Jubooyinka kaasoo mudooyinkii u danbeeyay ka socday degmada Kismaayo.

UGaas C/yare oo ka mid ahaa xubnihii ugaasyada ee wafdiga la socday oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay u yimaadeen si ay uga qeybqaataan dhismaha maamulka Jubbaland, wuxuuna xusay in wafdigooda uu ka koobanyahay ku dhowaad 80 xubnood oo ka kala socda dhamaan beelaha dega gobolka Gedo.

Imaatinka wafdiga ayaa kusoo beegmaya xilli maamlmihii ugu danbeeyay ergo kala duwan ay kusii qulquleysay xarunta Jaamacadda Kismaayo oo ah halka uu ka socdo shirka maamul u sameynta gobollada Jubooyinka.







Xasan Nuur, Hiiraan Online.
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya