4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 17, 2013
Saraakiisha AMISOM ee Baladweyne ku sugan oo Gurmad Caafimaad u fidiyay Dadkii uu soo ritay Shuban Biyoodka (SAWIRRO)


Axad, Maarso 17, 2013 (HOL) — Labadii cisho ee la soo dhaafay 17 ruux oo isugu jira curuur iyo dad da’ah ah ayaa ugu geeriyooday magaalada Baladweyne wax u eg daacuun laakiin aysan si rasmi ah wali dhaqaatirtu ugu dhawaaqin.

Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ee ku sugan magaalada Baladweyne ayaa bilaabay in ay gurmad caafimaad u sameeyaan dadka uu soo ritay cudurka oo hadda tiradoodu gaareyso ilaa 30 ruux, iyaga oo xarumo caafimaad oo ku meel gaar ah uga sameeyay dulleedka magaalada Baladweyne.

Dr. Cabdi Waabari Geedi oo ka mid ah dhaqaatiirta ciidamada Jabuuti ee AMISOM oo siweyn ugu howlan la tacaalida dadka uu cudurku asiibay, ayaa sheegay in markii ay ogaadeen baaxada cudurka iyo dawo la’aanta ka jirta isbitaalka isla garteen in dadka uu cudurka soo ridanayo meel gaar ah ku daweeyaan.

“Runtii marka la eego culeyska iyo baxaada cudurku uu leeyahay iyo awooda isbitaalka magaalada Baladweyne, waxaan garanay in meel gaar ah dadkan ku daweyno, waxaa dhiseynaa waqtigan teendhooyin waaweyn si aynu ugu sii diyaar garoowno haddii ay soo dhacaan tiro inta ka badan,’’ ayuu yiri Dr Cabdi Waabari Geedi.

Axmed Max’ed Khaliif agaasimaha guud ee isbitaalka magaalada Baladweyne ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ee cudurkani ka dhalanayo tahay biyaha ay dadku isticmaalaan oo ah wabiga shabeelle oo waqtigan biyihiisu hoos u dhaceen, islamarkaana yihiin kuwa wasaqeysan.

’’Dhibaatada ugu weyn waxaa ay ka taagan tahay biyaha laga isticmaalayo magaalada oo ah kuwo si toos ceelashu uga soo qaataan wabiga shabeelle oo xiligan biyihiisu aad u yar yihiin, waayo wabiga biyo xireen ayaa waxaa looga sameeyay dhinaca Itoobiya, inta yare ee hadda wabiga ku jirtana waa kuwo aad u wasaqeysan, waayo biyuhu ma socdaan oo ma’aha biyo badan,’’ ayuu yiri agaasimaha guud ee isbitaalka Baladweyne.

Xeryahan saraakiisha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa ka sameeyeen dulleedka magaalada Baladweyne, ayaa noqonaya talaabo loogu hortagayo in uusan cudurku ku faafin dadka kale ee ka bad-qaba.





C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya