4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 16, 2013
Qoys Dan-yar ah oo Aqalkoodii uu ku gubtay Degmada Boorame oo shacabka Soomaaliyeed Weydiisanaya Kaalmo


Sabti, Maarso 16, 2013 (HOL) — Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa waxaa ku gubtay guri cooshado ka sameysan oo ay ku nolaayeen qoys danyar ah, kuwaasoo gargaar weydiisanaya dhammaan dadka Soomaaliyeed.

Hooyada dhibanaha  ah ayaa waxaa lagu magacaabaa, Faadumo Faarax waxay haysataa saddex ciyaal ah, iyadoo dabka ka kacay gurigeeda aysan jirin wax caruur ah oo wax uga noqday.

“Guriga waa naga gubtay, mana haysano wax aan ku dhisanno, waayo ilmaha wax ay cunaan ayaanba u heli karin,” ayay tiri hooyo Faaduumo oo kula hadashay Boorame wariyaha Hiiraan Online Khadro Xasan Nuux.

Hooyadan ayaa dalbatay caawinaad deg-deg ah si ay iyada iyo caruurteeda u helaan hoy ay galaan. Iyadoo sheegtay in cunnadii ay cuni lahaayeen ay uga daran tahay hoy la’aanta haysata.

“Dhammaan dadka jecel samaha iyo khayrka waa inay gargaar nala soo gaaraan,” ayay tiri Faadumo oo sheegtay in cid walba oo maanta caawisa ay ka helayso wixii ay ku caawisay maalinta qiyaamaha iyadoo ka wanaagsan midda dunida.

Ciddii doonaysa inay caawiso hooyadan uu aqalkeedu gubtay wuxuu kala xiriir karaa: wariyaha HOL ee Boorame Khadra Xasan oo taleefoonkeedu yahay: 0025224137412.

Khadro Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Boorame, Somaliland