4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 16, 2013
Jaamacadda SIMAD oo Magaalada Muqdisho ka Hirgelisay Maktabad cusub oo loogu Magac-daray Dhoobaale (MUQDISHO)


Sabti, Maarso 16, 2013 (HOL) — Munaasabad lagu qabtay xarunta weyn ee jaamacadda SIMAD oo ku taalla jidka warshadaha ayaa waxaa lagu furay marktabad oo loogu magic-daray Dhoobaale, waxaana furitaankii maktabada kasoo qaybgala mas’uuliyiin ka socday wakaaladda muslimiinta Afrika, bahda saxaafadda iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.

Ugu horreyn waxaa halkaas ka hadlay Cabdiraxmaan Anas oo ka mid ah mas’uuliyiinta jaamacadda SIMAD isagoo ka warbixiyay sida ay maktabadan u dhiseen wuxuuna xusay in maktabaddan ay ugu nagac-dareen maktabada Dhoobaale, kasoo ka mid ahaa mas’uuliyiintii aasaasay SIMAD.

C/raxmaan Anas ayaa sheegay in Dhoobaale uu jeclaa inta badan wax aqrinta sidaas awgeedna ay ugu magic-dareen maktabaddan cusub oo ay wax ka akhrisan doonaan ardayda wax-ka-barta jaamacadda.

Maktabaddan ayaa waxaa la dhigay buugaag gaaraysa 1500 kuwaasoo isugu jira qaybaha kala duwan ee cilmiga, si ay ardaydu fursado ugu helaan inay aqoontooda ka kororsadaan.

Maamulka jaamacadda SIMAD ayaa sheegay in lacago ka badan hal milyan oo doollar ay ugu baxday hirgalinta maktabaddan oo noqonaysa nooceeda tii ugu horreysay oo dalka laga hirgeliyo.

Guddoomiyaha jaamacadda SIMAD, C/raxmaan Odawaa ayaa sheegay in buugaagtan ay ugu deeqday hay’ad lagu magacaabo SABRA Foundation, isagoo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin inay maktabaddan ugu magic-daraan mid ka mid ah mas’uuliyiintii aasaasay jaamacadda SIMAD.

Sidoo kale, waxaa halkaas ka hadlay maamulaha wakaaladda Muslimiinta Afrka, Xasan Badawi oo sheegay inay aad u wanaagsan tahay in maktaddan la furo isagoo xariga ka jaray maktabadda.

Dhanka kale, jaamacadda SIMAD ayaa maanta waxay xarumaheeda Muqdisho ka hirgelisay illaa sideed siddeed goobood oo la dhigay kambiyuutarro loogu talogalay inay ardayda wax uga baartaan.

Si kastaba ha ahaateen, munaasabaddii maanta xarumahaas laga furayay ayaa waxaa goob-joog ka ahaa dhammaan maamulayaasha kulliyadaha kala duwan ee  jaamacada SIMAD.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya