4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 16, 2013
Lammaane Maqalka Naafo ah oo Arooskoodu ka dhacay Magaalada Hargeysa iyo Qoyskooda oo ku farxay Guurkooda

Sabti, Maarso 16, 2013 (HOL) — Lamaane xaga maqalka naafo ka ah ayaa habeen hore munaasibad balaadhan oo aqalgalkooda ah loogu sameeyey magaaladda Hargeysa.

Arooskan loo sameeyey labadan lamaane ee maqalka ka naafada (Dhagooleyaal ah), ayaa habeen hore aroos aad u heer sareeya loogu dhigay hoolka aroosada ee Casaloma Wedding ee magaaladda Hargeysa, waxaanay boqorka Cabdriaxmaan Axmed Cabdi iyo boqoradda Istaahil Caydiid Ibraahim aad ugu faraxsanaayeen guurkooda oo ku dhacay jawi meeqaamkeedu sareeyo oo dadku inta badan xiiseynayeen inay ka qaybgalaan arooskaasi mucjisada ah ee lamaane naafo ahi ku aqalgalayeen.

Boqor: Cabdiraxmaan Axmed Cabdi ayaa ah aqoonyahan reer Somaliland ah, isla markaana ah macalin wax ka dhiga  iskuulka dhagooleyaasha magaaladda Hargeysa, sidoo kale waxay ooridiisan uu calmaday ahayd ardayad uu bare u ahaa, kuwaas oo halkaasi ku heshiiyey inay ku noqdaan qoys is jecel.

Arooskan oo si kadis ah aan habeen hore kula kulmay hoolkii arooskoodu ka dhacayey oo aan sawiro ka soo qaaday qaabka uu arooskoodu dhacay, ayaan si uu iigu ogolaado in aan warbixin ka diyaaro la igu balamiyey gurigiisa, waxaana nasiib wanaag ku beegmay xalay sagaalkii fiidnimo wakhti la furayey fijaankii hilibka (Mukhumadda) ee ragu furanayeen, waxaana furitaanka fijaankaasi muqumadda ka soo qaybgalay dhalinyaro badan, waxaanan ka mid noqday dhalinyaraddii muqumadda lagu casuumay inay cunaan.

Markii aanu dhamaysanay ee ninba wax ka cunay hilibkii ee badi dadkii dareereen ayaan u bandhigay in aan ahay wariye doonaya inaan warbixin ka diyaariyo arooskooda , isla markaana aan hayo sawiradii arooska, sidaa darteed uu ii fasaxa in aan wax ka diyaariyo, haseyeeshee, waxa uu ii sheegay in aanu raali ka ahayn in dadku arkaan sawirkiisa, balse qoraal kaliya uun uu ogol yahay, taasina waxay keentay in sawiradii aan halkan ku soo bandhigi kari waayo maadaamo oo uu ka cudurdaartay.

Si kastaba ha ahaatee, aroos Cabdiraxmaan oo aanu wax ka waydiinay sida uu u arko guurkooda ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay arooskiisa, isla markaana dadkii ka soo qaybgalay u mahadceliyey sida diiran ee ay uga soo qaybgaleen arooskiisa.

Aqoonyahan Cabdiraxmaan ayaa waxay inanta isku barteen dugsiga uu macalinka ka yahay, waxanay ka mid ahayd ardayda uu wax u dhigo,halkaasi oo uu ku jeclaaday, isla markaana ay iyaduna ku aqbashay is guursigoodda.

Nimco Axmed waa arooska walaashii, waxaanay ka mid ahayd dadkii sida weyn u qabanqaabinaysay xafladda arooska, taas oo sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay guurka walaalkeed iyo xaaskiisa cusub.

“aad baan ugu faraxsanahay, qoys ahaana waanu ku faraxsanahay  waana soo dhoweynay guurkaasi, waadigaasi  arkayey quruxdiisa iyo aqoontiisa, waxanay inta badan ku wada sheegaystaan Ingiriisi iyo soomaaliba, waana laba aqoonyahan, runtiina waan ooyey markii aan joogay arooska markaad aragtid quruxdooda iyo sida uu ilaahay u kala dhantaalay waad isbedelaysaa, laakiinse waa maansha alla imika wax ka maqani ka ma jirto”ayey tidhi Nimco Axmed oo ku faraxsan guurka dhexmaray labadan lamaane ee qoyskooda ah.

Nimco waxay xustay in marka ay labadoodu wada joogaan aad ku farxaysid sida ay u sheekaysanayaan iyo qosolka ka dhacaya iyo sida ay isku fahmayaan

Boqor Cabdiraxmaan iyo Boqorad Istaahil waxay labadooduba ku wada sheegaystaa fariimaha mobileka iyo gacmaha, waxaanay ku nool yihiin nolol aad u fiican oo farxad badan, waxaany wejiyadooda ka dareemaysaa inay ku qanacsan yihiin sida uu ilaahay u qadaray  ee xaga maqalka ah, haseyeeshee muuqaal ahaaan waa laba qof oo ilaahay ku manaystay qurux iyo dadnimo, isla markaana si fiican oo weji furan ku soo dhoweynaya, waxaanay marka aad u tagtid kula sheekaysan kartaa fariimaha mobilka oo wax kasta oo aad waydiiso kaaga jawaabayaan, isla markaana dhalinyaradii joogtay si fiican ay u wada sheekaysanayeen, maaha oo kaliya fariin la isku diro ee waxa aad doonaysid waxaad ugu qoraysaa xaashi, isna sidoo kale ayuu kaaga jawaabayaa waa haddii aanad ku fiicneyn qaabka gacmaha loogula hadlo .

Aroosyadan noocan ah ayaa inta badan ku cusub Somaliland, inkastoo sanadkii hore magaaladda Hargeysa ay ku aqalgaleen laba lamaane oo xaga indhaha ka naafo ah (indhooleyaal ah), kuwaas oo dadweynuhu aad usoo dhoweeyeen geesinimada ay u horsadeedaan inta la mid ka ah ee ka baqanaysa inay isguursadaan.

Arrintan ay horsadeen ayaa ah mid lagu dayan karo, isla markaana waxay lamaanahan jidka u jeexeen rag iyo dumar badan oo  naafo ah oo ka cabsi qaba in dadku la yaabaan hadii ay is guursadan.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland