4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 16, 2013
Hay’adda Samafalka HRD oo Haween Barakacayaal ah Guddoonsiisay Lacago ay Shaqooyin ku Abuurtaan (SAWIRRO)


Sabti, Maarso 16, 2013 (HOL) — Hay’adda samafalka ee HRD [Horn for Relief and Development]ayaa haween barakacayaal ah guddoonsiisay maanta lacago ay shaqooyin ku abuurtaan si ay u caawiyaan qoysaskooda, waxaana haweenka ay qaateen tababarro ku saabsan habka ganacsiga iyo maareyntiisa oo muddo saddex toddobaad ah u socday.

Haweenka lacagaha la guddoonsiiyay ayaa waxay tiradoodu ahayd 20 qof iyadoo xafladda xirtaanka tababarkooda iyo guddoonsiinta lacagta ay ka dhacday maanta oo Sabti ah xarunta Xaawo-taako oo ay leedahay hay’adda SSWC.

“Saddex toddobaad ayaa gabdhahan la barayay habkii ay ganacsgooda ku maareyn lahaayeen, iyagoo toddobaadkii hore qaatay casharro la xiriira habka maamulka ganacsiga iyo maareynta, toddobaadkii labaad waxay qaadanayeen habka maamulka lacagta iyo habka qorsheynta ganacsiga,” ayuu yiri agaasime ku xigeenka hay’adda HRD, C/llaahi Yuusuf Maxamed oo munaasabadda ka hadlay.

 Agaasimaha hay’adda SSWC, Aamin Xaaji Cilmi oo iyaduna ka hadashay ayaa sheegtay in haweenka oo la tababaro ay tahay mid muhiimad weyn u leh bulshada Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay in raashinka hooyada shaqeysa uu ka dhadhan wanaagsan yahay raashinka kale.

“Haweenka maanta la guddoonsiinayo lacagta waa inay si wanaagsan uga faa’iideystaan, ayna ogaadaan in haddii ay howshoodu noqoto mid wanaagsan ay ku xigi doonaan haween kale oo iyagana sidan oo kale loo caawin doono,” ayay tiri Aamino Xaaji oo xustay in dufcaddan ay yihiin kuwii labaad oo xaruntan lagu guddoonsiiyo lacago ay ku shaqeystaan.

Sidoo kale, Aamino Xaaji waxay sheegtay in hay’addooda ay hayaan 800 oo haween barakacyaal ah kuwaasoo ay sheegtay inay sugayaan in loo qabto barnaamijyo noocan oo kale ah.

Mas’uuliyiintii kale ee goobta ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa: agaasime ku xigeenka hay’adda Zamzam Foundation, Cali Cismaan Muudeey, madaxa ganacsiga yar-yar ee rugta ganacsiga Soomaaliyeed, Mustaf Axmed Iidoow iyo xubno kale ayaa waxay dhammaantoos oo dhaweeyeen howshan iyagoo ku tilmaamay inay ku faraxsan yihiin inay arkaan haween dan-yar ah oo la sameynayo ganacsiyo ay noloshooda ku dabaraan.

Maano Mukhtaar Cali iyo Xaliimo Cali Maxamuud oo ka mid ahaa haweenkii lacagaha ay ganacsiga ku sameystaan la siiyay oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inay markii hore ka shaqeysan jireen ganacsi aanu dhaqaale badan kasoo gelin, balse hadda ay rajeynayaan inay sameystaan ganacsiyo ay ka heli doonaan dhaqaale noloshooda kaafiya.

Haweenkan ayaa waxaa lacagihii loogu talogalay gudoonsiiyay wasiiraddii hore ee haweenka iyo arrimaha qoyska dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya Aamino Maxamed Mursal, iyadoo gabar walba la guddoonsiiyay saddex boqol oo dollarka Mareykanka ah.

Labaatanka gabadhood ee lacagaha la guddoonsiiyay ayaa waxay kala ahaayeen: Aamino Cali Xuseen, Carfoon Xasan Cali, Asiilo Ibraahim Cali, Baarliin Cali Xuseen, Binti Xaaji Aadan Mursal, Deeqo Maxamed Xasan, Fardowso Maxamed Macallin Cali, Faadumo C/qaadir Warsame, Xaliimo Cali Maxamed, Faadumo Ibraahim Cabdi, Malyuun Zakariye Aadan, Maano Mukhtaar Cali, Maryan Cali Xuseen, Nuurto Aadan Maxamuud, Sacdiyo Maxamed Axmed, Sahro Maxamed Aadan, Salaado Cabdirisaaq Cabdullaahi, Sahro Cismaan Macallin Ibraahim iyo Soonto Maxamed Aadan.

Agaasime ku xigeenka hay’adda HRD ayaa wuxuu sheegay in haweenkan lagu koontarooli doono shaqooyinkooda si ay howlahooda ula qabsadaan, markaas kaddibna howshooda faraha looga qaadi doono, iyadoo lacagtan aysan ahayn mid laga doonayo inay dib u soo celiyaan.

Ugu dambeyn, waxaa munaasabadda soo xiray, Nuuradiin Cali Axmed oo sheegay in haweenkan ay yihiin kuwii mudnaa ee la siin lahaa lacago ay ku abuurtaan ganacsiyo ay qoysaskooda ku biilaan, wuxuuna tallaabadan ku tilmaamay mid aad loogu farxo, maadaama dadkii mudnaa in la caawiyo lagu caawiyay.













Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya