4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 16, 2013
Caruur shuban biyood ugu geeriyoota​y magalada Baladweyne iyo maamulka isbitaalka oo arintaa ka hadlay

Sabti, Maarso, 16, 2013 (HOL) -- Sida ay xaqiijiyeen howl-wadeenada isbitaalka guud ee magaalada Baladweyn ilaa shan carruur ah ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay waxay cudurka shuban biyoodka ugu geeriyoodeen magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Caruurtan ayaa labo ka mid ah waxaa ay cudurka ugu geeriyoodeen isbitaalka, halka sadaxda kalana ay geeriyoodeen ka hor inta aan la soo gaarsiin goobaha caafimaadka si loola tacaalo.

Axmed Max’ed Khaliif agaasimaha isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in cudurkan ka dilaacay magaalada inta badan uu ka dhalanayo biyaha laga isticmaalo ceelasha ku yaala magaalada oo si toos ah ugu xiran wabiga shabeelle oo xiligan biyihiisu wasaqeynsan yihiin.

‘’Waxaan ka codsaneynaa hay’addaha samafalka in ay dawo la soo gaaraan isbitaalka oo hadda wada dabooli karin baahiyaha caafimaad ee gobollka ka jira,’’ayuu yiri Axmed Max’ed Khaliif agaasimaha isbitaalka guud ee Baladweyne.

Bishii December ee sanadkii aynu soo dhaafnay ayeey hay’adda MSF Swiss waxaa ay joojisan howlihii ay ka waday isbitaalka, waanta tan keentay in uu awood u yeelan waayo wax ka qabashada xaaladaha caafimaad ee xiligan la soo darrsay bulshada ku dhaqan gobollka gaar ahaan magaalada Baladweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 
Baladewyne, Soomaaliya/