4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 16, 2013
Saraakiisha Booliiska Somalia oo sheegay inay ka feejigan yihiin Weeraro ay Al-shabaab ka fuliso Magaalada Muqdsiho


Sabti, Maarso 16, 2013 (HOL) — Afhayeenka booliiska Soomaaliya, Jeneraal C/llaahi Xasan Bariise oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay si aad ah uga feejigan yihiin qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo Al-shabaab ay ka fuliso gudaha magaalada Muqdisho.

Jen. Bariise ayaa sheegay in howgallo ay sameeyeen ay kusoo qabteen ugu yaraan sideed qof oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo ay baaritaanno xoog leh ku hayaan, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in howlgallo falalkaas looga hortagayo.

“Waxaa helnay warar sheegaya in Al-shabaab ay doonayso inay Muqdisho ka fuliso dilal qorsheysan iyo qaraxyo; balse ciidamada booliiska ayaa heegan ugu jira sidii ay uga hortegi lahaayeen falalkaas gurracan,” ayuu afhayeenka booliiska u sheegay warbaahinta Muqdisho.

Hadalka afhayeenka ayaa imaanaya xilli ay weli kasii socdaan Muqdisho dilal ay geysanayaan kooxo aan la aqoon iyo qaraxyo, iyadoo bam-gacmeed lagu weeraray xalay isgoywska Kaasabobolaare ee degmada, balse ruuxii tuuray oo keliya uu dhaawacay.

Sarkaal ka tirsan saldhigga degmada Hodan ayaa sheegay in ruuxa bamka tuuray oo dhaawaca qaba ay gacanta ku dhigeen, ayna daweynayaan, isagoo sheegay in falkaan uu qayb ka yahay falalka ammaan-darro ee ka dhacaya Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay dilal qorsheysan oo lagu qaarijiyay dad fara badan, kuwaasoo qaarkood ay fulisay Al-shabaab, iyadoo falalkaan ay walaac geliyeen shacabka Muqdisho ku nool.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya