4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 16, 2013
Ciidamada Badda Dalka Jabuuti oo Gacanta ku dhigay Doonyo Kaluumeysi oo Xukuumadda Somaliland ay leeyahay

Sabti, Maarso 16, 2013 (HOL) — Ciidamada badda waddanka Jabuuti ayaa gacanta ku dhigay doommo kalluumeysi oo ay lahayd Somaliland, kuwaasoo u tallaabay xeebaha dalka Jabuuti.

Wasiirka kalluumeysiga ee Somaliland, C/llaahi Geeljire ayaa sheegay inay u socdaan dalka Jabuuti wadahadallo ku aaddan sidii lagu sii dayn lahaa doomaha ay leedahay Somaliland, inkastoo uusan sheegin tiradooda.

“Biyaha Jabuuti iyo kuwa Somaliland waa kuwo isku xiran, waxaana socda dadaallo lagu sii daynayo doomaha,” ayuu yiri C/llaahi Geeljire oo sidoo kale sheegay in doomaha kalluumeysi ee Somaliland ay inta badna ku ekaadaan xeebahooda.

Sidoo kale, wasiirka oo ka hadlayay badmaaxiin Yemen u dhashay oo ay ku xukuntay maxakmad ay Somaliland leedahay ganaax lacageed ayaa sheegay in doomahaas iyo badmaaxiinta lagu qabtay xeebaha bari ee Somaliland ayna soo taageen maxkamad.

“Badmaaxiinta oo tiradoodu ka badan tahay toban waxaa lagu xukumay ganaax lacageed, kalluunkii ay kala baxeen xeebaha Somaliland dhammaantood waa lagala wareegay. Markii ay ganaaxa bixiyaan ayaana iyaga iyo doomahooda lasii dayn doonaa,” ayuu yiri wasiirka kalluumeysiga Somaliland oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa.

Dhanka kale, wasiirka oo la weydiiyay in Puntland ay ka cabanayso doommo kaluumeysi oo mararka qaarkood u tallaaba xeebahooda ayaa kaga jawaabay inaysan taasi jirin, Somalilana ay ku furan tahay baddeedda.

Ugu dambeyn, wasiirka kalluumeysiga Soomaliland ayaa sheegay inay kala laabteen ruqsado ay xeebaha Somaliland kaga kalluumeysan jireen maraakiib shisheeye, isagoo xusay in maraakiibtaas aysn waxba reebayn oo ay qaadanayaan dhammaan khayraadka badda ku jira.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya