4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 16, 2013
Wasiir-u-dowlaha Arrimaha Gudaha Somalia oo Dhiirrigeliyay Siyaasiyiin lagu Tababarayo Koonfur Afrika (SAWIRRO)


Sabti, Maarso 16, 2013 (HOL) — Wasiir-u-dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee dowladda Soomaaliya, Mahdi Maxamuud Cali ayaa xaaly ku booqday 21 dublamaasi oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga hoteelka ku yaalla dalka Koonfur Afrika oo ay tababar ku qaadanayaan.

Wasiir u dowlaha ayaa ku boorriyay dublamaasiyiintaas inay ka faa’ideystaan tababarka la siinayo ee uga soconaya dugsiga caalamiga ee akadeemiyada dublamaasiyiinta ee wasaaradda xiriirka caalamiga ah iyo iskaashiga ee dalka Koonfur Afrika.

“Qorshaha tababarrada lagu siinayo dublamaasiyiinta Soomaaliyeed waa mid lagu xoojinayo xiriirka ay Soomaaliya la leedahay caalamka iyo in sare loo qaado tayeynta dublamaasiyiinta Soomaaliyeed,” ayuu yiri wasiir-u-dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale wasiir u dowluhu wuxuu la kulmay dajiraha Somalia ee Koonfur Afrika, Xasan Shariif Cabdullaahi isagoo bogaadiyay howlaha kala duwan ee safaaraddu ay u qabato bulshada Soomaaliyeed ee ku nool South Afrika, kuwaasoo oo tobankii sano ee ugu dambeysay dhibaatooyin dil iyo dhac ah loogu geysanayay dalkaas.

Mar uu wasiir-u-dowlaha ka hadlay arrimaha amniga iyo sarrifka lacagaha qalaad ayuu yiri: “Dowladdu waxay heysaa xogta dhabta ah ee dadka ku lugta leh inay ku cayaaraan sarrifka suuqa iyo sicirka badeecadaha kala duwan, waxaa naga go’aan ah inaan dhawaan ku faafino waddanka lacago cusub oo shilin Soomaali ah, iyadoo la horumarinayo shaqada bankiga dhexe ee la socodka isbedellada suuqa, waxaana barbar socona taas ciidammo guur-guura oo heegan ah oo kawada howlgali doona xaafadaha kala duwan ee caasimadda Muqdisho, si ay u xakameeyaan  hubka sharci-darrada ah iyo weerarada cabsi-gelinta ah”.

Wasiir-u-dowlaha arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka dowladda Somalia ayaa uga qayb-galaya dalka Koonfur Afrika kulan ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah dalalka Africa ee u gudbaya hannaanka dmuqraadiyadda iyo doorashada xorta ah.

Ugu dambeyn, wasiir u dowluhu wuxuu ammaanay saraakiisha xoogga dalka Soomaaliya ee uu saameeyay go’aanka xil ka qaasita, isagoo caddeeyay in dowladdu ay ilaalin doonto, ayna daryeeli doonto saraakiishaasi iyo kuwa kale ee u taagan difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya