4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 15, 2013
Booliiska Soomaaliya oo Howlgallo Baaritaanno ah ka sameeyay Qaar ka Mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir

Jimco, Maarso 15, 2013 (HOL) — Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa howgallo ay ka sameeyeen degmooyinka Waaberi, Xamarweyne iyo Xamar-jajab waxay kusoo qabqabteen xubno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Howgalladan oo ahaa kuwo billowday saakay aroortii hore ayaa waxaa lagu soo qabtay 60-qof oo qaarkood markii lagu waayay dambiyo lasii daayay, halka kuwo kale laga shakisan yahayna lagu xiray xabsiyada Muqdisho.

“Baaritaannada maanta laga sameynay saddexa degmo ee dariska ah waxaa ka dambeysay kaddib markii aan helnay xogo sheegaya in xubno Al-shabaab ka tisran ay ku dhuumaaleysanayaan, kuwaasoo loogu talogalay inay arbush ka sameeyeen caasimadda,” ayuu yiri afhayeenka booliiska Soomaaliya, Jen. Cabdullaahi Xasan Bariise oo saxaafadda la hadlay markii howgallada lasoo gabgabeeyay.

Sidoo kale, Jen. Bariise wuxuu sheegay in howgallada noocan oo kale ah ay sii socon doonaan inta la qaqabanayo dadka lagu tuhusan yahay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin.

“Qof walba oo aan dambi lahayn oo lagu qabto howgalladan waa lasii daynayaa, waxaana shacabka ugu baaqaynaa inay gacan naga siiyaan sidii lagu soo qaban lahaa kooxaha laga shakisan yahay,” ayuu yiri Jen. Bariise oo sheegay in ciidamada booliiska ay ka go’an tahay inay sugaan ammaanka magaalada Muqdisho.

Howgalkan baaritaanka ah ayaa kusoo beegmaya xilli ay Muqdisho dhawaan ka dhaceen dilal qorsheysan oo siyaabo kala duwan loo fuliyay, waxaana ka mid ahaa dhallinyaro maydadkooda si gooni-gooni ah loosoo dhigay jidadka Muqdisho.

Xarakada Al-shabaab ayaa horay u sheegtay inay xoogag ka amar–qaata ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, ayna degmooyinka gobolka ka fulin karaan howgallo lagu beegsanayo cid walba oo kasoo horjeedda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya