4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 15, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo sheegay inay Wadaan Qorshayaal ay wax uga qabanayaan Hoos u dhaca Doollarka


Jimco, Maarso 15, 2013 (HOL) — Iyadoo safirka doollarka uu weli sabeynayo ayaa waxaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) uu shaaciyay in xukuumadda Soomaaliya ay waddo qorshayaal ay wax uga qabanayo qiimo dhaca doollarka iyo kororka maciishadda oo sameeyn xoog leh ku yeeshay dadka danta yar.

Ra’iisul wasaare Saacid ayaa sheegay in xukuumaddu ay waddo xog ururin ku aaddan sidii wax looga qaban lahaa isbedelka lacagaha iyo kororka ku yimid maciishadda, isagoo xusay inay dhawaan go’aan ka gaari doonaan arrintan.

“Dowladdu waxay waddaa qorshe ay ku doonayso inay wax uga qabato sarifka lacagta doollarka ah iyo kororka maciishadda, waxayna noqonaysaa in la keeno lacag cusub oo shillin Soomaali ah, balse waan ka fiirsanaynaa sida aan tallaabadaas u qaadi lahayn,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid.

 Sidoo kale, ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay inuu aad ula xanuunsanayo dadka danta yar ee sarifka doollarka uu saameynta ku yeeshay, isagoo xusay in dhawaan ay arki doonaan isbedel deg-deg ah.

Dhawaan ayay ahayd markii wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda uu dusha uga tuurtay ganacsatada hoos u dhaca ku yimid doollarka, isagoo ku daray intaas in dowladdu ay qorsheynayso inay keento lacago cusub oo shillin Soomaali ah.

Labadii bilood ee ugu dambeysay waxaa magaalada Muqdisho ka taagnaa isbedel uu sameynayo sarifka doollarka, kaasoo saameyn ku yeeshay dad badan oo noloshoodu ku xiran tahay lacagaha looga soo diro dibadda.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu sheegay inay heleen saddex kiis oo ku saabsan dilalka saxafiyiinta, isagoo sheegay inay baaris ku wadaan kiisaskaas haddii ay ku caddaato dadka loo hasytana sharciga la hor-keeni doono, haddii kalena la fasixi doono.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay inaysan u dulqaadan doonin in dhibaatooyin dilalka iyo lagu hayo suxufiyiinta iyo in la aamusiyo, isagoo xusay in xukuumaddu ay dagaal la geli doonto cid walba oo dhibaato u geysata suxufiyiinta.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya