4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 15, 2013
Samsung oo Daaha ka Rogtay Galaxy S4, Haddaba Muxuu kaga duwan yahay Noocii ka horreeyay ee Galaxy S3?


Jimco, Maarso 15, 2013 (HOL) - Shirkadda Samsung ayaa bishan Maarso 14-keedii Magaalada New York uga dhawaaqday Mobile-keedii muddada la sugayey ee Galaxy S4, kaas oo baddali doona Galaxy S3 oo soo baxay hal sano ka hor, islamarkaasna noqday Smartphonekii loogu gadashada badnaa ee Adduunka muddo 6 bilood gudaheed ah.

Galaxy S4 ayaa aad ugu eg isla Mobilekii ka horreeyey ee Galaxy S3, iyadoo markaad aragto labada Mobile aadan kala garanayn, laakiin markii aad gacanta ku qabato ay kuusoo baxayaan farqiga u dhexeeya labadooda. Mobile-kaan cusub ayaa suuqa soo galaya dhammaadka bishaan April, iyadoo ay bixinayaan in ka badan 157 Shirkadood oo ka mida kuwa isgaarsiinta Adduunka, wxuuna ku shaqaynayaa adeegga anteenada 3G iyo 4G LTE. Inkastoo aysan Samsung madasha ka sheegin qaymaha haddana waxaa la filayaa inuu taleefoonku noqon doono inta u dhaxaysa $200-300 dollar oo lacagta Maraykanka ah waa marka aad ku qaadato qaabka kunturaadda, ama $600-900 dollar oo aan lahayn kunturaad. Iyadoo mugga taleefoonku isugu jiro 16,32, iyo 64 internal Memory iyo weliba ilaa 64 GB oo dheeraada haddii aad soo gadato cardka yar ee mugga badiya.

Waxyaalaha Galaxy S4 ay Samsung kusoo kordhisay ayaa waxaa ka mida Screen-ka oo weyn, Battery dheeraad ah, xawaaraha Processorka oo badan, Camerada oo la kordhiyey, Resolution-ka ama aragtida gudaha oo la kordhiyey iyo weliba Software-ka oo kii ugu danbeeyey ee Android lagu shubay. Waxaase intaas oodhan ka muhiimsan dhinaca Software-ka oo Samsung ay kusoo saa'idisay features ama farsamooyin cusub oo cajiiba, sida:-

- Adoo daawanaya video hadaad meel kale usii jeensato automatically ayuu videogu u istaagayaa isagoo garanaya inaad meel kale fiirisay
- Markii aad page akhrinayso ama qoraal akhrinayso uma baahnid inaad gacanta ku durkiso ama ku dhaqaajiso pageka, indhahaagu markay hoos aadaan ama kor aadaan isagaa pageku is dhaqaajinaya, isagoo mobileku hadba eegayo meesha indhahaagu fiirinayaan
- Sawirada ama Videos-ka adigoon gacanta mobileka ku taaban baad badbadali kartaa, gacanta ayaad mobileka ugu ishaaraysaa inuu sawirka baddalo ama aado page-ka kale adigoon taaban Mobileka.
- markii aad aragto inaad eegto links ama folder, uma baahnid inaad gacanta ku taabatid farta ayaad meesha ku dhawaynaysaa markaasuu ku tusayaa ama kuu zoom gareynayaa adoon taaban shaashadda
- iskumar baad Camerida hore iyo midda danbe labadaba sawir ku qaadi kartaa,
- dhowr qof baad inta sawir ka qaado oran kartaa qofkaas iga tirtir, isagaa mobileku meesha ka saaraya qofkii aad rabtay in pictureka laga saaro
- 100 sawir baad qaadi kartaa in 4 seconds
- Taleefon markuu kuusoo dhaco adoon meel taaban baad taleefonka qaban kartaa adoo adeegsanaya ishaarada gacanta.

Isku soo duuduuboo Galaxy S4 ayaa ka muraayad wayn kana ballaaran Galaxy S3, laakiin waxaa cajiiba inuu ka fudud yahay oo ka khafiifsanyahay walow uu ka waynyahay. Waxaana la filayaa in taleefoonkaan Gacanta ee ay Samsung soo saartay cirka kusii dhajiso tartankii iyo dagaalkii u dhexeeyey Apple iyo Samsung oo aan aysan weli labada shirkadood xal ka gaarin..

Hoos ka eeg isbarbardhig Galaxy S4 iyo Galaxy S3


OS Android 4.2.2 (Jelly Bean) Android 4.1 (Jelly Bean)
Processor 1.6GHz Octa-core Exynos processor / 1.9GHz Quad-core Qualcomm processor (varies by market) Samsung Exynos 4 / Qualcomm Snapdragon S4 MSM8960 (varies by market)
Memory 2GB 1GB / 2GB (Variants)
Display 5 inch Full HD Super AMOLED 4.8-inch Super AMOLED
Resolution 1,920 x 1,080 1,280 x 720
Glass Gorilla Glass 3 Gorilla Glass 2
Pixel Density 441 ppi 306 ppi
Storage 16 / 32 / 64 GB User memory + microSD slot (up to 64GB) 16GB / 32GB
Primary Camera 13-megapixel BSI AF 8-megapixel BSI AF
Secondary Camera 2-megapixel BSI 1.9-megapixel BSI
Cellular GSM/EDGE/UMTS/DC-HSPA+/LTE Cat 3 (bands vary by market) GSM/EDGE/UMTS/HSPA+/LTE (bands vary by market)
WiFi WiFi 802.11 a/ac/b/g/n, HT80 802.11 a/b/g/n, HT40
Bluetooth 4.0 LE 4.0 LE
Navigation GPS / GLONASS GPS / GLONASS
Connectivity NFC / MHL 2.0 / IR LED NFC / MHL
SIM Micro-SIM Micro-SIM
Battery 2,600mAh 2,100mAh
Weight 130g 133g
Dimensions 136.6 x 69.8 x 7.9mm 136.6 x 70.6 x 8.6mm
Colors Black Mist / White Frost Pebble Blue / Marble White

Bishar Abdirizak Abdi
New, York, USA.
Facebook.com/bishaarcc