4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 14, 2013
Golaha Salaadiinta Soomaaliyeed oo billaabay Qorshayaal ay Nabadeynta ku Gaarsiinayaan Gobollada dalka (SAWIRRO)


Khamiis, Maarso 14, 2013 (HOL) — Guddiga fulinta golaha salaadiinta Somalia iyo xubnaha golaha sare oo wadajira ayaa maanta billaabay socdaalkii ugu horreeyay oo nabadeed oo ay ku tagayaan gobollada dalka, iyagoo maanta tagay degmada Afgooyoe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Mas’uuliyiinta golaha oo uu horkacaya goddoomiyaha guud ee golaha, boqor Faarax Cabdi Gure ayaa gaaray degmada Afgooye kaddib markii ay ka heleen casuumaad iyo wadashaqayn maamulka gobolka iyo golaha guurtida deegaanka Afgooye.

Soo dhaweynta madaxda golaha salaaddiinta oo ay soo qaban-qaabiyeen golaha guurtida degmada Afgooye ayaa waxaa hadal ku furay mas’uulka ugu sarreeya guurtida degmada Afgooye, nabaddoon Maxamuud Axmed Culusow oo yiri: ”Waxaan soo dhaweynayaa fekerka baahinta nabadeynta ee halkan ay ku yimaadeen mas’uuliyiinta ugu sarreya golaha salaadiinta Soomaaliya, waxaan ballan-qaadaynaa wadashaqeyn buuxda oo aan gacan uga geysano baahinta nabadda guud ahaan degmooyinka gobolka Shabeellada Hoose.”

Nabadoon Culisow ayaa ka codsaday dowladda federaalka Soomaaliya inay gacan ka siiso howshan baaxadda weyn ee baahinta nabadeyta gobollada dalka.

Wadahadalkii dhex-maray xubnaha golaha guurtida degmada Afgooye iyo mas’uuliyiinta golaha salaadiinta Soomaaliyeed oo aad u xiiso badnaa ayna ka hadleen shaqsiyaad dhowr ah oo diiradda saarayay qiimaha nabaddu ay u leedahaya shacabka ku dhaqan degmada Afgooye iyo tuulooyinka ku dhow-dhow.

Ugu dambeyn waxaa madasha ka hadlay guddoomiyaha golaha Salaadiinta Soomaaliyeed, Boqor Inj. Faarax Cabdi Guure, isagoo yiri: ”Dowladdu waa inay gacan ka geysato baahintan nabadda oo ay nala gaarsiiso dhammaan gobollada dalka min Raas-kambooni illaa Raas-Casery. Sidoo kale shacabka Soomaaliyeed waxaan ka codsanaynaa inay qaataan nabadda loogu baaqayo meel kasta oo ay jogaan waxaana ugu tageynaa deegaannadoda innagoo ku boorrinayna qaymaha ay nabaddu u leedahay ummadda Soomaaliyeed.”

Golaha salaaddiinta Soomaaliyeed oo  bishii Feberaayo 7-deedii 2013 looga dhawaaqay magaalada Muqdisho ayaa hadafkiisu wuxuu yahay nabad kusoo dabaalidda gobollada dalka Soomaaliya oo mudo 22-sano ah ay ka jireen colaado uu dhiig badan ku daatay.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya