4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 14, 2013
UHURU KENYATTA: “Waxaan diyaar u ahay la shaqeynta Dhammaan Xubnihii igula Tartamay xilka Madaxweynenimo”

President-elect Uhuru Kenyatta and deputy president-elect Wiliam Ruto during a meeting with presidential candidates in the last elections Paul Muite, James Ole Kiyiapi, Musalia Mudavadi and Abduba Dida at Mr Kenyatta's Nairobi home March 14, 2013. Also in the picture are their running mates and Mrs Margaret Kenyatta. PPS
Khamiis, Maarso 14, 2013 (HOL) — Madaxweynaha cusub ee Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay maanta oo Khamiis ah inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo dhammaan xubnihii la galay tartanka doorashada madaxnimo ee Kenyna, kaddib markii uu la kulmay murashaxiinta qaarkood.

Kenyatta ayaa sheegay inuu rajeynayo inuu dhismaha dalka la kaashado xubnihii tartanka la galay, kuwaasoo ay ka mid yihiin” Paul Muite, James ole Kiyiapi, Maxamed Dida iyo Musalia Mudavadi.

“Dhammaan dadka Kenya waxaan kula shaqeynayaa si aan kala sooc lahayn oo aanay ku jirin faquuq,” ayuu yiri Kenyatta oo sidoo kale ballaqaaday inuu la shaqeynayo dhammaan xubnihii tartanka adag la galay xilligii ay socotay doorashada madaxnimo ee Kenya.

Raila Odinga, Peter Kenneth iyo Martha Karua oo ka mid ahaa murashaxiintii la tartamay Uhuru Kenyatta ayaan kulanka maanta ka qaybgelin. Laakiin Kenyatta wuxuu carrabka ku adkeeyay inay ka go’an tahay inuu dalka Kenya horumar gaarsiiyo.

Madaxweynaha la doortay ayaa lagula dardaarmay inuu ka shaqeeyo sidii uu dalka horumar ku gaarsiin lahaa, uuna wax ugu maamuli lahaa si ay ku jirto dimuqraadiyad iyo kalsooni buuxda.

William Ruto oo ah ku xigeenka madaxweynaha Kenya ayaa ka mid ahaa xubnihii kulanka goobjoogga ka ahaa; iyadoo Mudavadi oo murashaxiinta ka mid ahaa uu kula taliyay madaxweyaha cusub ee Kenya inuu ka shaqeeyo midnimada dalka uuna qaado tallaabo u xaqiijinaysa shacabka Kenya inay dareemaan howsha ay xukuumaddu u hayso.

“Dhammaan murashaxiintii la tartamay madaxweynaha Kenya waa inay si dhaqso leh u muujiyaan taageerada ay u hayaan madaxweynaha cusub,” ayuu yiri Mudavadi, oo hadalkiisa ku daray in Kenya ay u baahan tahay in horay loo wado.

Prof. Kiyiapi oo isaguna ka mid ahaa xubnihii la kulmay Kenyatta ayaa kula taliyay madaxweynaha inuu dhiso buundo isku xiraysa siyaasiyiinta Kenya ee ku qaybsan siyaasadda iyo buundo kale oo isku xiraysa dhammaan dadka Kenya.

Hoggaamiyaha Safina Paul Muite ayaa isaguna kula taliyay madaxweynaha la doorftay ee Kenya inuu isku dayo inuu hanto dhammaan xubnihii kula loolamay kursiga, isagoo sheegay in guushooda keliya aysan u arag mid ay meel walba ku gaari karaan.

Mr. Dida oo ka mid ahaa muraashaxiinta ayaa isaguna ballanqaaday inuu la shaqeyn doono xukuumadda cusub ee Kenya, isagoo ugu yeeray madaxda dowladad inay dulqaad iyo naxariis ay u muujiyaan dhammaan shacabka Kenya.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Kenya ayaa ku boorriyay siyaasiyiinta Kenya inay gacmaha is-qabsadaan ayna muujiyaan in iyagoo isku duuban ay dadka iyo dalka Kenya uga faa’iideeyaan caqligooda iyo xooggooda.

Hadalka madaxweynaha Kenya ayaa imaanaya iyadoo murashaxii ay tartanka adag galeen ee Raila Odinga uu dacwad ka dhan doorashada u gudbiyay shalay oo Arbaco ahayd maxkamadda sare ee dalkaas, iyadoo la filayo in laba toddobaad gudahood ay maxkamaddu ay ka jawaabto dacwadda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya