4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 14, 2013
Xukuumadda Turkiga oo Ballan-qaadday inay sare u qaadayso Dadaalka ay ku Caawinayso Maamulka Somaliland


Khamiis, Maarso 14, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga, Ahmet Davutoglu ayaa ballanqaaday in dalkiiisa uu kordhinayo gargaara uu siiyo Somaliland, kaddib kulan uu la yeeshay madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamuud Maxamed (Siilaanyo) oo booqasho ku jooga Turkiga.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaan shan wasiir oo madaxweynaha Somaliland la socday, iyadoo looga dooday sidii loo sii wadi lahaa fulinta mashaariicda ay hay’adda hourmarinta Turkiga ee TIKA iyo kuwa kale aan dowliga ahayn ka wadaan Somaliland.

“Waxaan ballanqaadaynaa in mustaqbalka dhow aan kordhinayno gargaarka aan siinno Somaliland; waxaana qorsheynaynaa inaan xafiis ka furanno Hargeysa,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Turkiga.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga wuxuu sheegay inay sii socon doonaan mashaariicda ay ha’yadda TIKA ka fuliso Somaliland ayna cusboonaysiin doonaan mar walba oo ay dhammaadaan, si sare loogu qaado dhaqaalaha Somaliland.

Madaxweynaha Somailland Axmed Siilaanyo oo isaguna wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga la hadlay ayaa sheegay in Somaliland iyo Turkiga uu ka dhexeeyo xiriir taariikhi ah oo soo billowday xilligii ay jirtay boqortooyadii Ottoman.

Isagoo intaas ku daray in siyaasadda Turkiga ee ku wajahan Somalia aysan ahayn oo keliya mid ku saleysan dhaqaale iyo ganacsi, balse ay tahay mid ku saleysan tahay mid ay ku doonayaan inay xiriirka ay la leeyihiin dalalka Afrika ay ku xoojiyaan, isagoo uga mahadceliyay dowladda Turkiga habka walaalnimada leh ee ay u caawiyeen Somaliland.

Ugu dambeyn, wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa madaxweynaha Somaliland iyo wafdigiisa ku wargeliyay in ra’iisul wasaaraha Turkiga uu la xanuunsanayo duray ama hargab, aysanna suurogal u noqonayn inay la kulmaan, maadaama gurigiisa ku nasanayo.

Dowladda Turkiga ayaa dib u soo celisay xiriirkii ay Soomaaliya la lahayd sannadkii 2011, markaasoo ra’iisul wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu booqasho lama filaan ah ku yimid Muqdisho, xilli ay jirtay abaar sababtay macluul daran.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya