4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 14, 2013
Ciidanka Ilaallada Xeebaha Galbeedka ee Somaliland oo Ciidamada Jabuuti ku Wareejiyay Salkaal kasoo baxsaday

Khamiis, Maarso 14, 2013 (HOL) — Ciidamada Ilaalinta xeebaha galbeedka Somaliland ayaa shalay ku wareejiyay xukuumadda Jabuuti sarkaal ka tirsan wasaaradda gaadiidka dalkaas oo kasoo baxsaday, kaasoo lagu magacaabo, Maxamed Aadan Xsueen isagoo lasoo baxday gaari Toyoto ah.

Sarkaalkan wuxuu xuduudda Somaliland iyo Jabuuti k soo tallaabay shalay halkaasoo ay ciidamada Somaliland ku qabteen, kaddibna dib ugu celiyeen dalkiisii; iyagoo u dhiibay ciidamada dalka Jabuuti ee ku sugna Lawya-caddo.

Ciidamada Qaranka Somaliland waxay illaa hadda gacanta ku hayaan gari uu watay oo ay kala hareen; iyadoo la garan la’ yahay sababta sarkaalka looga reebay gaarigii uu watay maadaama gaarigaasi laga leeyahay dalka Jabuuti.

Ma cadda inuu sarkaalkaasi dambi kasoo galay dalkaas darteed loogu gacan geliyay ciidamada Jabuuti iyo inuu yahay nin gacan-saar la lahaa xisbiyada mucaardka ah ee dalkaasi oo dhawaan markii doorashada looga guulaytay xabsiyada loo taxaabay, kaasoo ka baqo qabay in la xiro.

Si kasta ha ahaatee; illaa hadda macluumaad faah-faahsan lagama hayo arrintan shalay ka dhacday deegaanka Lawya-caddo, balse arrintaan ayaa noqonaysa tallaabadii labaad ee ay Somaliland dalka Jabuuti ugu celiso dad kasoo baxsaday oo si sharci-darro ah ugu soo tallaabay.

Sanadkii hore ayay ahayd markii ciidamada soohdinta ku sugan ay dib ugu celiyeen Jabuuti aaminsan yahay inay ka tirsanaayeen kooxaha mayalka adag ee galbeedka Afrika kuwaasoo soohdinta kasoo tallaabay iyagoo wata gaari ayna ciidamada Buuralayda Bariisle gacanta ku dhigeen.

Khadro Xasan Nuux, Hiiraan Online
[email protected]
Boorame, Somaliland