4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 14, 2013
Wafdi ka socday Deeq-bixiyeyaasha Dunida oo Muqdisho soo gaaray iyagoo la kulmay Wasiiradda Arrimaha Dibadda Somalia (SAWIRRO)


Khamiis, Maarso 14, 2013 (HOL) — Wafdi ka socda dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray Muqdisho iyagoo kulan la qaatay wasiiradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, waxaana kulanka looga hadlay waxyaabihii Somalia u qabsoomay.

Kulanka oo socday muddo saacad ku dhow ayaa waxaa looga hadlay sidii beesha caalamka ay u cusboonaysiin lahayd gargaarka ay siiso Soomaaliya iyo sidii dowldda Soomaaliya looga caawin lahaa maareynta dhaqaalaha ay dundiu ugu deeqdo.

“Wafdigan waxay ahaayeen kuwo u kuur-galaya waxyaabaha u qabsoomay dowladda Soomaaliya maadama nala caawiyo, waxayna ahaayeen in ka badan 50-qof, kulankeennuna wuxuu ahaa mid diiradda lagu saaray sidii loo ogaan lahaa waxyaabaha dowladda u qabsoomaiy iyo waxyaabaha u dhiman,” ayay tiri Fowziyo Yuusuf oo wabaahinta la hadashay.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegtay in wafdiga ay faah-faahin ka siiyeen horumarka ay dowladdu ka gaartay dhinacyada, amniga, dhaqaalaha iyo cadaaladda, iyaguna ay soo dhaweeyeen waxyaabiha qabsoomay.

Madaxa wafdigan oo ahaa ergayga dowladda Ingiriiska u qaabilsan Afrika oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay halkan u yimaadeen sidii ay u arki lahaayeen waxyaabaha dowladda u qabsoomay lixdii bilood ee ay jirtay.

“Socdaalkeennu waa mid ku saleysan sidii aan sare loogu qaadi ahaa taageerada la siiyo dowladda Soomaaliya, qorshuhuna waa in la cusboonaysiiyo gargaarka caalamka ee Soomaaliya, sida inaan taageero siinno ciidamada AMISOM oo waqtigooda lagu kordhiyay hal sano oo cusub,:” ayuu yiri Nikey oo ahaa madaxa wafdiga.

Wafdigan oo dib uga dhoofay Muqdisho ayaa waxaa xubnihiisa ka mid ahaa ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya, dajire Augustine Mahiga.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya