4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 14, 2013
Waxgaradka ku Dhaqan Jubbooyinka oo Dowladda Soomaaliya ugu Baaqay in ay Taageerto Shirka Maamul u sameynta Jubbooyinka



Khamiis, 14 Maarso, 2013(HOL):- Qaar kamid ah ergada ka qeybqaadaneeysa shirka maamul u sameynta gobollada Jubooyinka ee ka socdo degmada Kismaayo ayaa ugu baaqay masuuliyiinta ugu sareeysa ee dowladda Soomaaliya in ay ka qeybqaataan dadaallada la doonayo in maamul goboleed loogu sameeyo Jubooyinka.

Kulan gaar ah oo maanta gudaha jaamacadda Kismaayo oo ah halka uu ka soconayo shirka mamul u sameynta Jubooyinka ay ku yeesheen qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka gobollada Jubooyinka ayay ugu baaqeen dowladda in ay muujiso taageeradeeda ku aadan shirka maamul u sameynta gobollada Jubooyinka ee imika ka soconayo Kismaayo.

Nabadoon Axmed Cali Cigaal oo ugu horeeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in shirka ay isugu yimaadeen dhamaan beelaha dega gobollada Jubooyinka islamarkaasina ay doonayaan in ay dhistaan maamul goboleed, wuxuuna xusay in shacabka ku dhaqan Jubooyinka ay taageersanyihiin dowladda Soomaaliya, isagoona ka codsaday dowladda in ay sidoo kale taageerto shacabka reer Jubbaland.

Ugaas C/qaadir Mubaarak Saalad (Yoontoy) oo isna goobta ka hadlay ayaa ku dhaliilay madaxda ugu sareeysa dowladda Soomaaliya in ay ka gaabiyeen kaalintoodii ku aadanayd arinta Jubooyinka, wuxuuna ka codsaday in ay muujiyaan doorkii ay ku lahaayeen dadaallada la doonayo in maamul loogu dhiso Jubooyinka.

 “Dowladda waxaan ka codsaneynaa in ay garab na siiso oo na taageerto, ma wanaagsana in Xamar wax lagu dhisay halkan la keeno, waxaa xaq ah in maamulka halkan lagu dhiso, sidaa ayuuna dastuurku ogolyahay,” ayuu yiri Suldaan Shariif Makooma oo ka mid ahaa masuuliyiintii kulanka ka hadashay.

Hadalkan kasoo yeeray odoyaasha dhaqanka gobolalda Jubooyinka ayaa kusoo beegmaya xilli maalintii labaad ay xarunta Jaamacadda Kismaayo kusii qulqulayaan ergadii ka qeybqaadan lahayd shirka la doonayo in maamul goboleed loogu sameeyo gobollada Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya