4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 13, 2013
Madaxweynaha Somalia oo ka Qaybgalay Dhaarinta Taliyaha iyo ku Xigeenka Ciidamada Milateriga Soomaaliya (SAWIRRO)


Arbaco, Maarso 13, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalay munaasabad lagu dharinayay taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka iyo ku xigeenkiisa ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ay yihiin kuwo laf-dhabar u ah jirtaanka dal walba.

Xasan Sheekh wuxuu sheegay inay sharaf weyn u tahay inuu soo dhaweeyo taliyeyasha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo maanta oo Arbaco ah la magacaabay, kuwaasoo kala ah: Jen. Daahir Aadan Cilmi iyo Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi oo ku xigeenkiisa ah.

“Ugu horreyn waxaan rabaa inaan u mahadcelinno aniga iyo shacabka Soomaaliyeed Jen. Cabdiqaadir Cali Diini iyo Jen. Cabdikariin Yuusuf Aadan (Dhago-bada)n,oo ciidanka xoogga dalka si sharaf iyo geesinimo leh u soo hoggaamiyay sannadadii lasoo dhaafay,” ayuu yiri madaxweynaha Somalia oo ka hadlay munaasabadda dhaarinta.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Taliyeyaashii hore guulo waa-weyn ayay gaarsiiyeen ciidamada xoogga dalka. Guulahaas oo ka dhacay gobolladda dalka iyagoo kaashanaya ciidanka AMISOM. Sidoo kale waxay aasaas u sameeyeen ciidan qaran, tababar fiican leh, akhlaaq ka siman oo ka kala yimid gobollada dalka.”

Sidoo kale, madaxweyne Xasan wuxuu sheegay in shaqada badan ee taliyeyaashii hore iyo go’aankooda adag ay keentay horumarka ay gaareen ciidamadeenna. Taasna ummadda Soomaaliyeed wey uga mahad-celineysaa, taarikhdana baal dahab ah ayay ka galayaan.

“Mustaqbalka ciidamada xoogga dalka waa guul. Waana mid aan uga mahad-celinayno saaxiibbadeenna beesha caalamka. Sidoo kale cunno-qabateyntii hubka waa laga qaaday Soomaaliya. Waxaa loo baahan yahay masuuliyad. Waana waajib Qaran oo idin saaran. Waxaa mudan in la xuso in cunno-qabateynta dib loo soo celin karo. Sidaas darteed waa inaad gudataan  waajibkiina oo aad mas’uuliyad isi saartaan,” ayuu madaxweynuhu ku sheegay hadalkiisa.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu soo dhaweynayo taliyaha cusub ee ciidammada xoogga dalka, Jen. Daahir Adan Cilmi Taliyaha iyo ku xigeenkiisa, Jen. Cabdirisaaq Khaliif Cilmi,  wuxuuna ku wargeliyay inay horay u sii wadaan horumarinta iyo dib-u habeynta ciidamada xoogga dalka. Isagoo xusay in ammaanka iyo guulaha la gaaray ee dalkana ay aasaas u yihiin horumarka, maamul wanaagga, shaqo abuurista iyo dhammaan howlaha uu shacbkeena u baahan yahay.

“Ciidamadeenna amniga ayaa wax walba hormuud u ah. ciidamadeenu waa inay si fiican u tababaran yihiin, Waa inay hantaan kalsoonida shacabkooda. Waxaana idin kaga mahadcelinayaa sida geesinimada leh ee aad cadowga isaga muquuniseen sannadihii ina soo dhaafay, waxaan kaloo idin kaga mahad-celinayaa guulaha aad ka gaarteen weerarradii aad qaadeen iyo sida ay idin kaga go’nayd inaad mustaqbal fiican gaarsiisaan ciidamada xoogga dalka,” ayuu madaxweynuhu mar kale ku yiri taliyeyaashii la bedelay.

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu hadalkiisa kusoo gabgabeeyay in dowldda Soomaaliya ay u ballanqaadayso ciidamada xoogga dalka inay hiil iyo hoo la garab taagan tahay. Caruurtiina iyo reerkiinanba waa la daryeeli doono.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya