4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 13, 2013
Taliyihii iyo ku xigeenkii Ciidamada Milateriga Dowladda Somalia oo xilalkoodii laga qaaday kuwo kalena loo magacaabay

Arbaco, Maarso 13, 2013 (HOL) —Taliyihii ciidamada milatariga dowladda Soomaaliya, Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo abaanduulihii ciidamada milateriga, Jen. C/kariin Yuusufa Aadan (Dhego-badan) ayaa maanta xilalkii laga qaaday kadidb xaflad ka dhacday wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Munaasabadda oo ay ku jirtay xil wareejin ayaa waxaa ka qaybgaleen xubno ka tirswan wasaaradda gaashaandhigga, saraakiisha ciidamada dowladda, kuwa AMISOM iyo saraakiil ka socda Bancroft ayaa waxaa taliyaha ciidanka xoogga dalka loogu magacaabay, Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe), iyadoo xilka abaanduulahana loo magacaabay, Jen. C/risaaq Khaliif Xuseen.

Jen. C/qaadir Diini iyo Jen. C/kariin Dhego-badan oo goobtaas ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan xil ka qaadista lagu sameeyay ayna la shaqeyn doonaan saraakiisha cusub ee la magacaabay.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya. C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqo oo ka hadlay munaasabadda ayaa saraakiisha cusub ee la magacaabay kula dar-daarmay inay howsha loo igmaday si wanaagsan uga soo baxaan ayna ku dadaalaan sidii ay u horumarin lahaayeen ciidmada milateriga Soomaaliya.

Labada sarkaal ee xilalka loo magacaabay oo ka mid ahaa saraakiishii hore ee ciidamada xoogga dalka oo iyaguna goobta hadallo ka jeediyay ayaa sheegay inay kasoo bixi doonaan xilalka loo magacaabay, ayna xoogga saari doonaan sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen sugidda amniga guud ee dalka.

Saraakiisha xilalka laga qaaday ayaa waxaa magacowday dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya xilli ay Al-shabaab gacanta ku hayso Muqdisho iyo inta badan deegaanno badan oo ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxaa heeso kusoo bandhigay kooxda fanka ee Horseed oo ay leeyihiin ciidamada xoogga dalka, iyagoo halkaas kusoo bandhigay heeso ka tarjumayay sida ay ciidamada milaterigu muhiim ugu yihiin dalka iyo sugidda ammaanka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya