4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 13, 2013
Qarax sababay Dhimashada hal qof oo ka dhacay Degmada Kismaayo

Arbaco, Maarso 13, 2013 (HOL) —Qarax Miino ayaa saaka gudaha magaalada Kismaayo lagula eegtay gaadiid uu lahaa masuul ka tirsan maamulka KMG ee Kismaayo xilli uu marayay xaafadda Faanoole ee bartamaha magaalada.

Goobjoogeyaal ku sugan xaafadda uu qaraxa ka dhacay ayaa HOL u xaqiijiyay in qaraxa uu sababay dhimashada hal qof oo rayid ah, islamarkaasina uu ka badbaaday masuulkii saarnaa gaarigii lala eegtay qaraxa.

“Qaraxa wuxuu ka dhacay agagaarka Masaajidka Xaaji Jaamac, waxaa lala beegsaday gaari, waxaa ku dhimatay gabar meesha mareeysay,” ayuu yiri goobjooge ku sugnaa xaafadda Faanoole xilligii uu qaraxa dhacayay islamarkaasina ka gaabsaday in magaciisa la xigto.

Ciidamada maamulka Kismaayo ayaa qaraxa kadib goobta gaaray, waxayna howlgallo ay halkaasi ka sameyeen kusoo qabqabteen ku dhawaad lix qof oo looga shakisanyahay in ay ku lugleeyihiin qaraxa miino ee ka dhacay halkaasi.

Ilaa imika ma jiraan masuuliyiin katirsan maamulka Kismaayo oo faahfaahin ka bixiyay qaraxa iyo weliba qasaaraha ka dhashay.

Shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa walaac ka muujinaya qaraxyada loo adeegsado Miinooyin ee aalaaba lagu aaso hareeraha wadooyinka, kuwaasoo marka ay qarxaan dhibaatada ugu badan ay kasoo gaarto dadka rayidka ah.

…..
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya