4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 13, 2013
Maxkamadda Dambiyada Caalmiga ah (ICC) oo Joojisay Dacwadii loo hasytay Madaxii hore ee Shaqaalaha Kenya


Arbaco, Maarso 13, 2013 (HOL) — Maxkamadda dambiyada caalmiga ah ee ICC ayaa joojisay dacwad loo haystay madaxii hore ee shaqaalaha Kenya, Francis Muthaua, kaasoo ka mid ahaa afar qofood oo loo haysto dambiyo ka dhan ah bani’aadamnimada oo ka dhacay dalka Kneya sannadkii 2007, kuwaasoo ay ku jireen madaxweynaha cusub ee Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenka William Rutu.

Go'aanka maxkamadda ayaa lagu dhawaaqay Isniintii dorraad, kadidb markii ay la sheegay in dacwaddiisa aan loo helin markhaatiyaal ku filan, iyadoo sidoo kale ay diideen qaar ka mid ah dadkii markhaatiyaasha noqon lahaa,  sida ay sheegtay xeer-ilaaliyaha maxkamadda ICC, Fatou Bensouda.

"Waxaan go'aansaday, markaan eegay halka ay marayso xaaladda dadkii noqon lahaa markhaatiyaasha inaan joojinno dacwaddii loo haystay Muthaura," ayay tiri Bensouda. "Uma maleynayo inaan fursado macquul ah u haysanno wax lagu eedeeyn karo xilliga maxkamadda."

Mr. Muthaura ayaa waxaa lagu soo eedeeyay inuu bilayska u oggolaaday in dibad-baxayaasha ay u isitmcaalaan awood xad-dhaaf ah iyo inuu gaadaal marsaday xubnihii malleeyshiyaadka xisbigii midnimada Qaranka ee ku guuleeystay doorashada madaxweyne ee Mwai Kibaki. Waxaa sidoo kale loo haystay inuu ka qayb-qaatay kulanno lagu qorsheeyay weerarro.

Bensouda waxay carrabka ku adkeeysay in eedaymaha kale ee loo haysto madaxweynaha Kenya iyo ku xigeeniisa iyo saxafiga raadiyaha ee Joshua Arap Sang ay u sii socon doonaan sidii loo qorsheeyay.

"Go'aankan waxaa kaliya oo uu khuseeyaa Muthaura. Dacwad kale ma khuseeyo," ayay tiri. "Inkastoo aan kulligeen la socono isbeddellada siyaasadeed ee ka dhacay dalka Kenya, haddana arrimahaasi wax saameeyn ah kuma laha go'aannada aan qaatay ka xeer-ilaaliyaha ahaan."

Ugu dambeyn, Fatou Bensouda waxay sheegtay in ka laabashada dacwadda Muthaura ay ku timid iskaashi la’aan dowladda ay kala kulantay, taasoo ay ku sheegtay inay dowladda Kenya gacan ka siin wadaysay in caddeymo ku filan dacwadda mas’uulkan ay maxkamddu hesho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya