4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 13, 2013
Maamulka Somaliland iyo Dowladda Turkiga oo kawada hadlay sidii looga fulin lahaa Somaliland Mashaariic kala duwan

Arbaco, Maarso 13, 2013 (HOL) — Kulan dhexmaray ra'iisul wasaareku xigeenka Turkiga, Baker Buzdag iyo madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo ayaa looga hadlay sidii dowladda Turkiga ay uga taageeri lahayd Somaliland mashaariic dhowr ah.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Maxamed C/llaahi Cumar ayaa sheegtay in kulanka uu ahaa mid guul kusoo dhammaaday, wuxuu xusay in Turkiga ay ka dalbadeen inay ka caawiso mashaariic ay ka mid yihiin dhinaca waxbarashada.

“Dowladda Turkiga waxaan weydiisannay in Somaliland ay ka mid noqoto dalalka ay diyaaradda Turkish Airlines tagto,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland oo la hadlyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa sheegay inay isla garteen dhammaan waxyaabihii ay ka hadleen, isagoo sheegay in dowaldda Turkiga ay si wanaagsan u soo dhaweysay.

Turkiga ayaa waxay saameyn xooggan ku yeesheen Soomaaliya tan iyo sannadkii 2011 markaasoo ra’iiisul wasaaraha Turkiga uu yimid Muqdisho oo ay abaaro xooggan ka jireen.

Arday Soomaaliyeed oo fara badan ayaa waxay waxbarasho u joogaan dalka Turkiga, kuwaasoo ay ka jiraan kuwo ka yimid Somailand, inkastoo laga qaaday magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Dhanka kale, Dalka Turkiga ayaa waxaa ku sugan wasiirka warshadaha iyo ganacsiga dowladda Soomaaliya, isagoo halkaas u joogaa sidii Turkiga ugala hadli lahaa xoojinta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya