4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 12, 2013
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somalia oo Saudi Arabia uga Qayb-galay shirka Wasiirrada Arrimaah Gudaha Carabta


Talaado, Maarso 12, 2013 (HOL) — Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Ammaanka Qaranka ee xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay dalka Saudi Arabia halkaasoo uu kaga qaybgalayo shirweynihii 30-aad ee wasiirrada arrimaha gudaha ee dalalka Carabta.

Xubnaha socdaalka ku wehlinaya wasiirka arrimaha gudaha ayaa waxaa ka mid ah taliyaha ciidanka nabadsugidda, Axmed Macallin Fiqi iyo taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliya, Jen. Shariif Sheekhunaa Maye.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalaya wasiirrada arrimaha gudaha ee dalalka Carabta, kasaoo looga hadli doono ammaanka dalalka Carabta, gaar ahaan kuwa ay xiisaduhu ka jiraan iyo Soomaaliya oo ku socota jidkii isbedelka.

Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa ka qaybgalaya xubno ka socda Qaramada Midoobay iyo wakiillo ka socda ururka Jaamacadda Carabta, kuwaasoo goob-joog ka noqonaya kulanka oo lagu soo qaadi doono xiisadaha ka taagan dalka Suuriya.

Dalka Sucuudiga ayaa wuxuu noqonayaa dalkii martigeliya kulanka muddo dheer kaddib, iyadoo wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya lagu wado inuu hordhigo dalalka Carabta ee kulankaas kasoo qaybgalaya xaaladda ammaanka ee Soomaaliya iyo qorshayaasha nabadda lagu adkeynayo ee Soomaaliya.

Waxa lagu wada in shirkan ay ka qaybgalaan wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka ee dalka Sucuudiga, si ay halkaas uga jeediyaan hadal ku saabsan kaalinta ay ka qaadan karaan xasilinta dalalka Carabta ah ee ay xasaraduhu ka taagan yihiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya