4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 18, 2013
Wax-garad iyo Siyaasiyiin soo Jeediyay in Xarunta UNICEF ee Puntland aan laga Rarin Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari


Axad, August 18, 2013 (HOL) — Kaddib markii dhowaan la shaaciyey in xarunta hay'adda UNICEF ee Puntland - oo xilligan ku taal magaalada Boosaaso-  loo rari doono Garoowe, ayaa waxaa arintaas ka hadlay waxgaradka iyo siyaasiyiinta gobolka Bari oo kulan ku yeeshay magaalada Boosaaso.

Bayaan ay gabagabadii kulankooda soo saareen ayey ku sheegeen in arintani ay tahay mid aan habooneyn, iyagoo xusay in hay'aduhu ay qayb ka yihiin meelaha ugu badan ee ay dadku fursadaha shaqo ka helaan, sidaas darteedna ay wax laga xumaado tahay in hal magaalo xarumaha hay'adaha oo dhan la isugu geeyo.

"..Walow Garoowe ay tahay caasimadda Puntland, hadana ma ahan in fursadaha shaqada oo dhan hal magaalo la isugu geeyo, arintani waxay ka hor imaaneysaa mabaadi'da qaybinta kheyraadka iyo fursaha horumarinta nolosha bulshada.." Bayaanka ayaa sidaas lagu sheegay.

Bayaankan oo ay ku saxiixan yihiin in ka badan 100-qof oo isugu jira aqoonyahanno, siyaasiyiin horay xilal uga soo qabtay maamulka Puntland, cuqaal, nabadoonno iyo haween ayaa gabagabadii lagu xusay dhowr qodob oo la tilmaamay in ay muhiim tahay dowladda Puntland in ay ka fiirsato.

Caasimadda Puntland ee Garoowe oo ay ku yallaan inta badan xarumaha dowladda, waxaa sidoo kale deggen in ka badan 40 hay'adood oo isugu jira kuwa Qaramada Midoobey iyo qaar kale oo caalami ah.

Dowladda Puntland ee uu hoggaamiyo madaxweyne C/raxmaan Maxamed Faroole, waxay intii ay jirtey soo saartay amarro magaalada Garoowe loogu soo raray hay'ado dhowr ah iyo qaar kamid ah xafiisyada shirkadaha ka shaqeeya duulimaadyada, kuwaasoo horay fadhigoodu uu u ahaa xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya