4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 17, 2013
Xarakada Al-shabaab oo shan dhallinyaro oo Magaalada Baydhabo ka tagay ka afduubay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Baydhabo

Sabti, August 17, 2013 (HOL) — Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa maanta ka qafaashay waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo shan dhallinyaro ah oo ka tagay magaalada Baydhabo kuna socday magaalada Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn halka ay la aadeen.

Dhallinyaradan ayaa lagala dagay gaari rakaab oo Baydhabo ka tagay, kaas oo rasaas lagu furay, markii uu joogsadayna lagala dagay dhallinyaradan oo ka mid ahaa kuwo dhawaan ka qaybgalay tartan Isboorti oo degmadaas lagu soo gabagabeeyay.

Mid ka mid ah rakaabkii gaariga dhalliniyarada lagala dagay la socday ayaa ku dhaawacmay rasaastii lagu furay, waxaana shilkan uu ka dhacay inta u dhexeysa deegaanka Leego iyo degmada Wanlanweyn ee gobolka Shabeellada Hoose.

Ehellada dhallinyaradan ayaa sheegay in wiilashan ay u socdeen sidii ay wax uga soo baran lahaayeen jaamacadaha ku yaalla Muqdisho middood, balse ay la kulmeen nasiib-darradan, lamana oga halka ay Al-shbaaab u kexeysay dhallinyaradan.

Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah dhallinyaradan uu ahaa ganacsade si weyn looga yaqaan degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, waxaana tani ay qayb ka noqonaysaa dhibaatooyoinka ay la kulammaan dhallinta ku nool gobollada dalka qaarkood.

Maalin ka hor ayay kooxda Al-shabaab waxay gurigiisa kala baxeen Mayoow Teesoow oo xilligii dowladdii Col. C/llaahi Yuusuf ahaa madaxii sirdoonka degmada Baydhabo, iyadoo aan la ogeyn halka ay la aadeen.

Sarkaalkan oo ka goostay dowladdii KMG ahayd kuna biiray Al-shbabaab ayaa la sheegay inay si aad ah isugu dhawaayeen Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu-Mansuur oo uu dagaal kala dhexeeyo hoggaamiyaha sare ee Al-shabaab.

Hiiraan Online, Baydhabo