4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 17, 2013
Guddoomiyihii Hore ee Maamulka Gobolka Hiiraan oo Degmada Baladweyne ku laabtay, si weynna loogu soo dhaweeyay (SAWIRRO)


Sabti, August 17, 2013 (HOL) — Waxaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Baladweyne guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax iyo xubno wafdi ah uu horkacayo oo sida uu sheegay u yimid ka qeyb-galka shirweynaha la fillayo in uu maalinta beri ka furmo magaalada Baladweyne.

C/fitaax Xassan Afrax oo kula hadllayay warbaahinta gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne ayaa sheegay in uu siweyn u soo dhaweynayo shirweynaha uu ku baaqay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif socdaalkiisana uu ku saleysan yahay sidii uu uga qeyb-gali lahaa kulankaas.

“Muddo ayaan ka maqnaa magaalada ujeeddada socdaalkeygana waa inaan ka qeyb-gallo shirweynaha berri ka furmaya halkan [Baladweyne] kaa oo dhowr bilood ka hor uu ku baaqay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayuu yiri,'' C/fitaax Xassan Afrax guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan.

Mar uu soo hadal qaaday arrimaha ammniga ayuu ku amaanay ciidamada maamulka gobolka Hiiraan iyo xoogagga gacanta siinaya ee AMISOM iyo Itoobiya sida ay isaga xil saareen wax ka qabashada nabad-galyada, isaga oo ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobolka in ay gacan ka geystaan sidii qeybaha kale ee gobolka looga saari lahaa Al-shabaab.

Dhinaca kale, waxaa maanta sidoo kale magaalada soo gaaray odayaal iyo waxgarad ka kala yimid gobolka Banaadir iyo gobollada koonfureed ee dalka kuwaa oo u yimid ka qeyb-gallka shirka maalinta beri ka furmaya magaalada Baladweyne.

Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa magaalada siweyn ugu soo qul qulayay wafuud kala duwan oo ay ka mid ahaayeen qurba joogta ka soo jeeda gobolka Hiiraan oo u socda ka qeyb-gallka shirka.





C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya