4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 7 , 2012
Diyaarado dagaal oo duqeeyay deegaanno ay Al-shabaab saldhigyo ku lahayd oo ku yaalla Gobolka Jubada Hoose
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Diyaarado dagaal oo la aaminsyahay in ay leedahay dowladda Kenya ayaa duqeymo xooggan ka geeystay deegaano ka tirsan gobolka Jubada Hoose, iyadoona la sheegay in diyaaraduhu ay bartilmaameedsanayeen saldhigyo ay xoogagga Al-shabaab ku lahaayeen deegaanadaasi.

Diyaaradahan dagaalka ayaa la sheegay in ay duqeymo ba'an ka geesteen deegaanka Cag-libaax oo qiyaastii 60-km u jira magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose, iyadoona ilaa imika aan la garaneyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeymahaasi.

Afhayeenka ciidamada dowladda KMG ee gobollada Jubooyinka Max'ed Faarax daahir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in diyaaraduhu ay si gaar ah u beegsadeen kolonyo gaadiid ah oo ay wateen saraakiil iyo ciidamo katirsan Al-shabaab, wuxuuna xusay in duqeymahaasi ay ku dhinteen ilaa 12 qof oo katirsan Al-shabaab.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in diyaaraduhu ay gabi ahaanba burburiyeen kolonyadii gaadiidka ee ay wateen Al-shabaab, wuxuuna xusay in dadka duqeynta ku dhintay ay ku jiraan masuuliyiin sare sare oo katirsan xarakada Al-shabaab.

Dhanka Al-shabaab ilaa imika ma jiro wax war ah oo ku saabsan arintaasi oo kasoo baxay, mana jiraan ilo madax bannaan oo qeexaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeymaha ay diyaaradaha dagaal ka geesteen gobolka Jubada Hoose.

Dhinaca kale wararka aynu ka heleyno deegaanka Taabto oo hoostaga degmada Afmadow ayaa sheegay in xalay uu halkaasi ka dhacay dagaal dhexmaray xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa Kenya.

Dagaalka oo ahaa mid ay labada dhinac ay isu adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la sheegay in aysan jirin cid wax ku noqotay, waxayna saraakiil u hadashay labada dhinac ay guulo ka sheegteen dagaalkaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya