Dowladda Uganda oo sheegtay in ay Ciidamo u direyso Soomaaliya

Talaado, January 02, 2007(HOL): Dowladda Uganda ayaa shaaca ka qaaday in ay diyaarisay ciidamo kun Askari gaaraya oo ay dhawaan u direyso Dalka Soomaaliya, sidaasina waxaa sheegay afhayeen u hadlay Mileteriga Uganda.

 

Major Felix Kulayigye oo ah afhayaeenka u hadlay Mileteriga Uganda waxaa uu sheegay in ay dowladdiisa mar hore diyaarisay hal battalion, kuwaasi oo dhaqsi loogu dirayo Soomaaliya, inkastoo uu sheegay in taasi ogolaasho looga rabo Baarlamaanka iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Uganda.

 

Wadamada IGAD ayaa waxay horay u soo jeediyeen in ciidamo nabad ilaaliyaal ah loo diro Soomaaliya, hayeeshee waxaa dalabkaasi hakiyay dagaallo ka dhacay dalka Soomaaliya oo u dhaxeeyay Maxkamadihii Islaamka iyo Dowladda Federaalka, iyadoo sidoo kalena uu qorshaha ciidamo u dirista Soomaaliya horay u ayiday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

 

Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u codsaday in Ciidamo Afrikaan ah loo diro Soomaaliya, si ay dowladda Federaalka ugu gacan siiyaan in ay la wareegto talada dalka.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia