Ra'iisal Wasaare Zenawi waxaa uu sheegay in beelaha waa weyn ee Qabiilka Hawiyaha, sida Beesha Abgaal ay taageersan yihiin Dowladda Federaalka, isla markaana ay nadiifiyeen deegaanadooda, wuxuuna farta ku fiiqay in meelaha dagaalka uu ka socdo ay yihiin meelo aysan dad badan ku sugneyn oo dadkii deganaa ay ka baro kaceen.
Shan iyo ilaa afar degmo oo ka tirsan 16ka degmo ee gobolka Banaadir ayuu sheegay Meles Zenawi in ay ka socdaan dagaallada Muqdisho ka dhacaya, wuxuuna caddeeyay in ay ciidamadiisa u baahan yihiin si ay u soo af-jaraan dagaallada Muqdisho hal ilaa labo todobaad.
Ra'iisal wasaaraha Itoobiya waxaa uu wax la buun buuniyay ku tilmaamay qiimeyn uu soo saaray Guddi ay Odayaasha beelaha Hawiye u saareen in uu soo qiimeeyo khasaaraha ka dhashay dagaallada Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in warbixinta qiimeyntaas qeybo ka mid ah laga soo xigtay wax uu ugu yeeray hay'ado ku sheegyo u dooda xuquuqda Aadanaha, kuwaasi oo ka tirsan Al-Shabaab , waa sida uu hadalka u dhigaye.
Meles Zenawi waxaa uu intaas ku daray in uusan dooneyn in uu ciidamadiisa Soomaaliya ka saaro iyadoo ay Soomaalida dagaalameyso, wuxuuna caddeeyay in ay ciidamadiisa sii wadayaan howlgallada lagu nabadeynayo Dalka Soomaaliya, gaar ahaana magaalada Muqdisho.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, iyadoo uu Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi uu sidaan leeyahay ayaa hadana waxaa Magaalada Muqdisho isku arkay oo kulamo ku leh maanta Saraakiisha Ciidamada Itoobiya iyo Odayaasha Beelaha Hawiye oo iyagu horay u sheegay in dagaallada Muqdisho ka dhacaya ay u dhaxeeyaan Ciidamada Dowladda Itoobiya iyo Beesha Hawiye.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia