Axad, 22, Apri. 2007 (HOL) Shir Ja'raaid oo ay si wada jir ah u qabteen Wasiirka Arimaha Gudaha iyo ku-xegeenka Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga, Max'ed Max'uud Guuled (Gamo-dheere) iyo Salaad Cali jeele ayaa lagu soo Bandhigay Hub gaaraya ILaa 700 oo isugu jira wax yaabaha Qarxa oo ay ka mid yihiin Miinooyinka la Aaso oo sida la sheegay Baaritaan ay ka sameeyeen Ciidamada Uganda iyo kuwa Dowalada Federaalka Xafaadaha ku dhaw dhaw Villa B/dhabo laga soo helay.
Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Max'ed Max'uud Guuled (Gacmo-Dheere) oo ka halay shirka Ja'raaid ayaa sheegay in Howl-galka baaritaanku ahaa taalaabo qeyb ka ah sugida nabad-galyada casimada, isaga oo intaa ku daray in Hubka la soo helay ay ahayeen kuwo loogu tala galay in qeyb looga qaato dagaalada looga soo horjeedo Dowlada Federaalka ee ka jira Caasimada, waxaana uu intaa ku daray in hubkaasi ay adeegsanayeen kooxo uu tilmaamay in ku xiran yihiin Arga-gixisada Caalamka oo ah kuwa inta badan istimaala sida uu hadalka u dhigay wax yaabah qarxa.
Mar uu ka hadlayay Gamo-dheere Caadimada Ugada ee jooga Caasimada Muqdisho oo inta badan lagu sheego kuwa dhax dhaxaad waxaa uu yiri "Ciidamadu in kastoo ay dalka u joogaan in caawiyan Bulshada soomaalida hadana lama oran karo waa kuwo arimaha oo dhan dhax dhaxaad ka ah waayo cida u yeeratay waa Dowlada Federaalka iyada ayeeyna caawinayaan." ayuu hadalkiisa ku sheegay waxaana uu intaa ku daray in la sii wadi doono talaabooyinka lagu ogaanayo goobaha lagu heysto hubka sharci darada ah.
Sidoo kale Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Gaashaan dhiga Salaad Cali Jeele ayaa sheegay in Dowladu mar walba xooga saareyso sidaa loo soo aruurin lahaa hubka sida uu hadlka u dhigay qatarta ku ah amaanka shacabka soomaaliyeed isaga oo dhanka kalana u mahad ciliyay Ciidamada Nabad ilaalinta ee Uganda oo sida uu sheegay siweyn xooga u sareysa sugida amaanka caasimada.
Dhanka kale Wasrii ku-xigeenka Salaad Cali Jeele oo ka hadlayay dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacayay Caasimada ayaa sheegay in ciidamada dowladu guulo waa weyn ka soo hooyeen islamarkaana waxaa uu intaa raaciyay in uu ugu baaqyo shacabka soomaaliyeed in ay ka fogaadaan xafadaha qatartu ka jirto, oo la mid ah dalkii uu jeediyay R/iisul wasaare Geede.
Dhawaan ayeey aheyd markii ay isaga huleeleen ciidamadii Itoobiya ee dagaan Xarunta Villo B/dhaba oo ah halka la sheegay in laga sameeyay howl-galka lagu soo helay wax yaabaha qarxa, waxaana markii sida la sheegay ciidamadu halkaa isaga guureen ku qamaamay kooxo dhalinyaro ah oo doonayay in ay qaataan bal hadiiba ay jiraan wax yaabo ciidamadu ay uga dhaxtageen.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online