Arday Indhoolayaal ah oo ka qalin jebisay Dugsiga Al-nuur ee wax lagu baro dadka aan indhaha wax ka arki karin
Talaado, May 02, 2006(HOL): Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxay ka dhacday dugsiga Al-Nuur waxayna xafladaasi ku saabsaneyd qalinjabin la xiriirta farta Braille-ka oo la barayay dad indhoolayaal ah oo tiradoodu gaareysay ilaa iyo 10 ruux, kuwaasi oo isugu jiray Haween iyo Rag.
Ardaydaas oo mudo bil iyo bar ah baranayay farta Paraille-ka ee ay dadka indhoolayaasha ah wax ku qoraan ayaa waxaa xafladda qalinjabintooda ka qeybgalay mas'uuliyiin ka socotay Hay'adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha, madaxda Hay'adaha Samafalka, Dalladaha Waxbarashada, Jaamcadaha iyo marti sharaf kale, waxaana ugu horeyntii halkaasi heeso Anaashiido ah ka aqriyay ardayda wax ka barata dugsiga Indhoolayaasha Al-Nuur kuwaasi oo ay si aad ah ugu qushuuceen dadkii daawanayay.
Macallin Ibraahim Cabdulaahi oo ah Macallin Indhoole ah si aad ahna uga soo qalin-jebiyay farta Braill-ka , waxbarashadiisuna ay tahay ilaa iyo heer Jaamacadeed kana mid ahaa macalimiintii wax bareysay ardayda ayaa waxa uu sheegay in farta Praille-ka ay tahay mid u fududeyneysa dadka indhoolayaasha ah in ay wax qoraan waxna akhriyaan.
�Waa nasiib darro in far la soo saaray labo boqol oo sano ka hor in maanta Soomaaliya ay soo gaarto, gaar ahaan dadka Indhoolayaasha ah� ayuu yiri Macallim Ibraahim oo ka codsaday dadka Soomaaliyeed ee Illaah wax siiyay in ay gacan siiyaan dadka indhoolayaasha ah oo u baahan gacan aad u balaaran, si ay wax ula qeybsadaan bulshada inteeda kale, waxaa kaloo ka hadlay Aadan Maxamed Xerow oo ah madaxa Warfaafinta iyo xiriirka caalamiga ah ee Jaamacadda Muqdisho ayaa waxa uu isna sheegay in xafladdaani ay tahay tii ugu fiicneyd ee uu ka qaybgalo xafladihii horay uu uga qeybgeli jiray, waayo ayuu yiri �waxaa i faraxgeliyay dad indhoolayaal ah oo la barayo in ay wax akhriyaan, waxna qoraan�, isagoo ballanqaaday in Jaamacadda Muqdisho ay ka qeyb-qaadan doonto gacan siinta dadka indhoolayaasha ah.
Waxa kalloo ka hadlay Sarkaall oo ka socday Hay'adda Muslim Aid, Uk waxa uuna u mahadceliyay intii ka shaqeysay in ay wax baraan dad Indhoolayaal ah oo iyagu mar kasta u baahan in wax la baro, si ay ula qaybsadaan noloshada bulshada inteeda kale, isagoo sheegay in Hay'addiisu ay diyaar u tahay in ay wax u qabato dadka indhoolayaasha ah, waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Prof. C/raxmaan Maxamuud Macow (Dhalxa) oo ka socdey Hayada Xaquuqda Aadanaha ee Khaliif Huudow) oo isna u soo jeediyay maamulka Dugsiga AL-Nuur in ay farta Praille-ka ah wax ku baraan si ay iyana wax u baraan dadka Indhoolayaasha ah oo aan fursadda u helin dugsi, ama wax ku barida farta Praille-ka
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka Dugsiga Al-Nuur C/fitaax Max'ed Daahir, waxa uuna sheegay in Dugsiga AL-Nuur ay fureen dad indholayaal ah oo horey wax u soo bartay kuwasoo doonaya in ay aqoontooda uga faa'iideeyaan dadka Soomaaliyeed ee indhaha la', isla markaana aan fursadda u helin in ay wax bartaan, waxa uuna u soo jeediyay Hay'adaha Samafalka, Shirkadaha, Ganacsatada in ay gacan siiyaan dadka indhoolayaasha ah, si ay ula mid noqdaan dadka kale ee caadiga ah ee lixaadkooda taamka yahay, maadaama marba marka ka dambeysa Adduunyadu ay horumar sameyneyso.
Kaalinta koowaad waxaa gashay Aamino Cabdul Majiid oo ah gabar indhoola ah kol dhoweedna ku guuleysatay tartan quraan aqris ah. Aamino waxay labada jeerba gashay kaalimaha koowaad, kaalinta labaadna waxaa ku guuleysatay Abshiro C/naasir.
�Weligeey isma aanan dhihin adigoo indhoola ah ayaad wax akhrisan doontaa, waxna qori doontaa waxaan maanta gaarsiisanahay heerkii Jaamacadeed� sidaa waxaa tiri Faadumo Axmed Maxamed oo ka mid ahayd ardeyda la gudoonsiiyay Shahaadada�.
Dugsiga Al-Nuur waa Dugsigii ugu horeeyay oo loo aas aasay dadka indhaha la', waxaana dhidibada u aasay aqoonyahanno aan qudhooda indhaha wax ka arki karin, kuwaasi oo dalka dibaddiisa wax lagu soo baray. sida ay sheegaan maamulayaasha dugsigan ma jiraan kaalmo ay ka helaan dad shisheeye, marka laga reebo Jaaliyad Soomaaliyeed oo ku dhaqan magaalada Brimingham ee dalka Ingiriiska iyo weliba Shirkado iyo Hay'ado Wadani ah oo ka howlgala gudaha dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
|