Maxkamadaha Islaamka oo soo af-jaray Dagaalkii ay kula jireen Cabdi Qeybdiid, iyadoo caawana ay si Nabadgelyo ah ula wareegayaan hubkii Bashiir Raage

Talaado, July 11, 2006(HOL): Kadib dagaallo socday muddo labo maalmood ah ayay Maleeshiyooyinka Maxkamadaha Islaamka ku guuleysteen in ay soo af-jaraan dagaalkii ay kula jireen Maleeshiyooyinka Cabdi Qeybdiid oo ka tirsanaa Isbaheysigii La-dagaalanka Argagixisada.
Ku dhawaad 30 Tikniko ah oo uu lahaa Cabdi Qeybdiid ayay maxkamadaha la wareegeen, iyadoo ilaa iyo haatanna aan la ogeyn halka uu aaday Cabdi Qeybdiid oo ka hor intii uusan dagaalka bilaabay ku goodinayay in uusan Maxkamadaha isu dhiibi doonin inta ay nafta ku jirto.
Xaruntii uu degaa Cabdi Shukri Cali Xirsi oo isna ka mid ahaa xubnihii Isbaheysiga La-dagaalanka Argagixisada ayaa la isugu geeyay Gaadiidkii tiknikada ahaa ee uu lahaa Cabdi Qeybdiid, iyadoo halkaasina ay isugu tageen Mas'uuliyiin ka tirsan Midowga Maxkamadaha oo uu horkacayay Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Markii la maqlay in Tiknikooyinkii Cabdi Qeybdiid ay Maxkamadaha la wareegeen ayay dadweyne aad u faro badan daawasho u tageen halkii ay labada maalmood ku dagaalamayeen maleeshiyooyinka labada dhinac, iyadoo dadkaasina ay isugu jireen kuwo soo eeganayay guryahoodii oo ay ka qaxeen iyo kuwo doonayay in ay soo arkaan hubka iyo fariisimada laga qabsaday Cabdi Qeybdiid.
Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo shir jaraa'id ku qabtay dhismo u dhow Xaruntii Villa Baydhabo ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu soo af-jarmay dagaalkii ay kula jireen Cabdi Qeybdiid, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed meel uu joogaba uu u sheegay in ay Maxkamadaha Islaamka dagaalkaas guul ka gaareen.
Waxaa uu ka hadlay Shiikh Shariif waxa ku kalifay in ay Cabdi Qeybdiid la dagaalamaan, wuxuuna tilmaamay in dagaalkaas uu ahaa mid ay ka fursan waayeen kadib markii sida uu hadalka u dhigay ay ka soo xirmeen waddooyinkii, hayeeshee haatan wixii ka dambeeya ay arrimahaas dhamaadeen.
Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in haatan wixii ka dambeeya uu ammaanka Magaalada Muqdisho noqon doono mid la isku haleyn karo oo ka wanaagsanaan doona midka ka jira caasimadaha Adduunka, wuxuuna ugu baaqay xubnihii ka haray Isbaheysigii La-dagaalanka Argagixisada in ay hubkooda Maxkamadaha ku soo wareejiyaan, �Waxaa loo baahan yahay in hubka yaala caasimadda Muqdisho uu hal gacan soo galo, si nabadgelyada loo sugo�ayuu yiri Shiikh Shariif oo ka sii hadlayay waxyaabaha sii daba dheereeyay xal ka gaarista dhibaatada Soomaaliya.
�Dhibaatada Soomaaliya heysata ee ay ka degi la'dahay waa fara-gelin shisheeye oo hub iyo fikir isugu jirtay, waxaad ogsoon tihiin in Dowladda Itoobiya ay hub ku soo dal-daleysay hub fara badan tan iyo markii la riday Xukuumaddii Mileteriga�ayuu mar kale yiri Shiikh Shariif.
Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha waxaa kale oo uu sheegay in Dowladda Itoobiya ay shalay iyo xalay ciidamo soo gelisay gudaha Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay Dowladda Itoobiya in ay dhowrto derisnimo wanaaga, isla markaana ay ciidamadeeda kala baxdo gudaha Soomaaliya, �Haddii ay Itoobiya ciidamadeeda kala bixi weyso dalka Soomaaliya waxaan ugu baaqeynaa shacabka Soomaaliyeed in dalkooda kala baxaan ciidamada cadawgooda�ayuu yiri Shiikh Shariif oo ugu baaqay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadaha ku dhaqan in ay dalkooda dib ugu soo laabtaan, isla markaana ay ka qeybqaataan dib u dhiska dalkooda.
Dhanka kalena, Wararkii ugu dambeeyay ee hub ka dhigista Maxkamadaha ay sameynayaan ayaa waxay sheegayaan in caawa ay wada hadallo u socdaan Mas'uuliyiin ka tirsan Maxkadamaha Islaamka iyo gacan yarayaashii Bashiir Raage iyo C/qaadir Beebe oo ka taliya Degmooyinka Shibis, Boondheere, Shangaani iyo C/Casiis, iyadoo la rajeynayo in wada hadalladaas la isku af-garan doono, isla markaana hubkii labadaas Hoggaamiye Kooxeed Maxkamadaha lagu wareejin doono iyadoo aaney wax dagaal ah dhicin.
Markaasi kadib haddii Maxkamadaha ay si nabadgelyo ah ugu guuleystaan la wareegidda hubka Bashiir Raage iyo Beebe waxaa kaliya u harsanaan doona Hubkii Hoggaamiye Kooxeedka Muuse Suudi oo haddii ay la wareegaan banaanka u soo saareysa sawir ah in ay Maxkamadaha Islaamka la wareegeen guud ahaan gacan ku heynta Magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia |