Axad, October 08, 2006(HOL): Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ah ee fadhigoodu yahay deegaanka Gendershe ayaa la soo weriyay in ay gaadiidka isticmaala wadadaas ee ganacsiga u sida magaalada Marka ay bilaabeen inay ka reebaan Sigaarka, sida laga soo xigtay qaar ka mid ah Darawaliinta isticmaasha wadadaas iyo ganacsatada Magaalada Marka oo dhawaanahaan aanu gaarin Dalab dhinaca Sigaarka ah oo ay ganacsi ahaan uga soo doontaan Magaalada Muqdisho.
Sidoo kalena Ciidamo ku sugan Bar Koontarool oo ku dhow Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa la xaqiijiyay in ay ka reebaan cid kasta oo lagu arko in ay sidato Sigaar amaba ay ka tuuraan kuwa cabaya ee saaran Gaadiidka soo gaara Koontaroolkooda, iyadoo sidoo kalena ay Maxkamaduhu guud ahaan ka mamnuuceen in Sigaarka lagu dhex cabo Garoonka iyo Dekedda Magaalada Muqdisho, halka ay Maxkamaduhu canshuur adag ka qaadaan Sigaarka ka soo dega Dekedda Muqdisho, waxayna arrintani u eg tahay in Sigaarka ay Maxkamaduhu ka mamnuucayaan deegaanada ay ka taliyaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia