Khamiis, October 05, 2006(HOL): Maxkamadda Islaamiga Al-Bayaan oo ka soo jeeda deegaanada Bay iyo Bakool ayaa maalmahaan ku mashquulsaneyd howlgallo burcad sifeyn ah oo ay ka waday inta u dhaxeysa Degmada Buur-Hakaba iyo Deegaanka Deynuunaay oo
Guddoomiyaha Maxkamadda Al-Bayaan Maxamed Ibraahim Bilaal ayaa sheegay in ay halkaas ka sifeeyeen burcad dadka ugu geysan jirtay falal dhac iyo kufsi isugu jiray, “ma yara inta jeer ee aan aragnay rag deegaanadaas lagu soo furtay iyo haween lagu soo faro xumeeyay, taasi ayaana keentay in aan howlgalkaas sameyno”ayuu yiri Maxamed Ibraahim Bilaal oo in ay wadada Laamiga ah ee u dhaxeysa Deynuunaay iyo Buur-Hakaba ay soo geleen maleeshiyooyin burcad ah oo waxyeeleeya dadka safarka ah.
Dhanka kalena, Guddoomiyaha Maxkamadda Al-Bayaan waxaa uu sheegay in ay ka dalbayaan Dowladda Federaalka Soomaaliyeed in ay iska sii deyso Culumaa’udiin uu sheegay in ay xir-xirtay, kuwaasi oo loo heysto in ay ku lug lahaayeen Qaraxyadii lagu dili rabay 18-kii bishii hore Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.
Haddii Culumaa’udiinkaas la sii deyn waayo ayuu Shiikh Bilaal sheegay in ay taasi keeni doonto dhibaato iyo in ay Maxkamaduhu galaan Magaalada Baydhabo, isla markaana ay soo daayaan Culumaa’udiinka la xir xiray.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia