Isniin, October 30, 2006(HOL): Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed ee xaruntoodu tahay magaalada Muqdisho ayaa waxay ugu baaqeen ururrada Bulshada Rayidka in ay is-diiwaangeliyaan, si loola socdo howlaha ay qabanayaan.
Shir ay ururrada Bulshada Rayidka uga hadlayeen baaqa uga yimid Maxkamadaha Islaamka ayaa waxaa uu shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, sida uu saxaafadda u sheegay Afhayeenka dhaqaaqa Bulshada Rayidka C/llaahi Maxamed Shirwac oo sheegay in uu qoraal ka soo gaaray Maxkamadaha Islaamka, isla markaana ay go’aansadeen in ay qoraalkaas ka jawaabaan.
Shirwac ma uusan faahfaahin waxa uu ku qornaa qoraalka Maxkamadaha Islaamka ka soo gaaray, wuxuuse sheegay in ay shir ka yeesheen, isla markaana ay qorsheynayaan in ay iyana gaarsiiyaan Maxkamadaha qoraal ay jawaab ku bixinayaan.
Maxkamadaha Islaamka oo si buuxda uga taliya Magaalada Muqdisho ayaa waaxaheeda kala duwan waxay bilaabeen in ay xakameeyaan Hay’adaha iyo Ururrada shaqadooda haya ee ku sugan Magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in dhawaan ay isku dhaceen Mas’uulka Maxkamadaha Islaamka u qaabilsan dhinaca Arrimaha Bulshada Shiikh Axmed C/llaahi Fanax iyo Ururrada Bulshada oo sheegay in hadal uu sii daayay mas’uulkaas uu ihaano ku ahaa Ururrada Bulshada Rayidka, inkastoo markii dambe ay labada dhinac isaga soo dhawaadeen mad-madowga soo kala dhexgalay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia