
Khamiis, October 26, 2006(HOL): Ku dhawaad tobaneeyo qoys oo degenaa guryo gaboobay oo ku yaala xaafadda Calanlay ee magaalada Kismaayo ayaa ku hanti beelay daadad ku soo rogmaday muddo saacado ah oo uu roob ku da’ayay.
Dadkani oo u badan dad danyar ah oo ku jirey guryo gaboobay ayaa waxaa ay caruurtoodi iyo ayaguba ay ku nool yihiin si dulsaar ah guryo kale oo ay leeyihiin dad deriskooda ah si ay uga helaan meel ay roobka uga gambadaan .
Inta badan dadkii xaafaddaas ku noolaa ee khasaaraha soo gaaray waxay ahaayeen kuwo guryihiin ay deganaayeen ka guurayay, iyadoo ay u sii dheer tahay in uu roobka ka qooyay raashin yar oo ay
Maxaakiimta Islaamiga ah ee ka taliya deegaanka J/Hoose ayay dadkani weydiisteen dhaqaalo lacageed si wax looga qabto masiibada soo gaartay, inkastoo aaney weli wax jawaab ah ka helin dhinaca Maxkamadaha.
Sahra Cabdi Axmed, Hiiraan Online
[email protected]
Kismayo, Somalia