Idaacadda Habeenimo Idaacadda Galabnimo Idaacadda Duhurnimo
UN Report

2007 DV
 




Wararka Maanta Arboco - Oktooba 19, 2005










·
  Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo isagoo aan ku guuleysan in uu sii daayo Cabdi Qeybdiid u socdaalay Dalka Ingiriiska
  MUUSE SUUDI YALAXOW: "Haddii Dembi Dagaal la isku maxkamadeynayo waxaa ugu horeeya C/llaahi Yuusuf oo afkiisa ka sheegtay in uu 30 sano dagaal ku jiray, dad badanna uu laayay"












Maxamed Qanyare, Muuse Suudi, Cusmaan Caato iyo xubno ka socday Baarlamaanka Federaalka Muqdisho oo ka qeybgalay Banaanbax looga cabanayay xarigii loo geystay Cabdi Qeybdiid

Xildhibaan Cumar Xaashi Adan

Arbaco, October 19, 2005(HOL): Bannaanbax aad u ballaaran oo ay ka qeybgaleen dadweyne aad u fara badan iyo xubnaha labada gole ee dowladda Federaalka kuwooda ku sugan magaalada Muqdisho, isla markaana looga soo horjeeday xarigga Cabdi Qeybdiid ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Fagaaraha Tareebuunka.

Marka laga soo tago Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir iyo dadweynaha kale ee goobta soo camiray waxaa kale oo banaanbaxan ka qeybgalay mas’uuliyiinta ugu sareysa xubnaha labada gole ee Muqdisho, gaar ahaan Wasiirrada kala ah Maxamed Qanyare Afrax, Muuse Suudi Yalaxow, Cusmaan Xasan Caato iyo weliba Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Baarlamaanka Md. Cusmaan Cilmi Boqorre oo isagu ku sime u sii ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed.

Wasiirka howlaha guud iyo Guriyeynta Md. Cusmaan Caato oo banaanbaxan ka hadlay ayaa sheegay in Cabdi Qeybdiid uu yahay nin aan mudneyn in la xiro intey wiilal yar yar oo Arday ah dacweeyaan, isagoo xarigaasna ku tilmaamay mid xaq darro ah oo uu ka dambeeyay sida uu u yiri ninka ay madaxtinimada soo siiyeen ee Jowhar fadhiya, wuxuuna Cusmaan Caato ku cel celiyay in dadka banaanbaxa ka qeybqaadanayay iyo Cabdi Qeybdiidba uusan mas’uul ka ahayn Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

Wasiirka Amniga Qaranka Md. Maxamed Qanyare Afrax ayaa isaguna codkiisa ku biiriyay siyaasiyiintii banaanbaxa ka hadashay, wuxuuna Qanyare carrabka ku dhuftay in dagaalo sokeeye ay dalka Soomaaliya ka dhaceen, kuwaasi oo aan diiwaangashaneyn, sidaas darteed waxaa uu ugu baaqay dowladda Sweden in aysan dhexda uga soo dhicin dhibaatooyinkii ay Umadda Soomaaliyeed sida gaar gaarka ah isugu geysteen

"Dembiyada ma ahan in dad kale lagula meereysto waayo nin ayaaba sheegtay oo yiri aniga ayaa ah ninkii ugu horeeyay ee riday Xabadda Dalkan cuntay, kaas maa wax laga qabto marka la xiranayo Dad aan waxba gelin"ayuu yiri Maxamed Qanyare oo u sheegay dadkii uu la hadlayay inaan arrinta xarriga Cabdi Qeybdiid la isaga hari doonin.

"C/llaahi Yuusuf waxaa laga rabaa isagana sidii uu u tegi lahaa Sweden, isagana waxaa hursan xarig waayo isagaaba afkiis ka sheegtay uu dad laayay ciyaar waa gelin dambe, mana la isaga hari doono xarigga G/lle Sare Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid"ayuu yiri Qanyare oo ugu baaqay dowladda Sweden in ay soo xirto kuwii ka been abuurtay Sarkaalka, isagoo dhinaca kalena sheegay in haddiiba la baarayo dembiyadii Soomaaliya ka dhacay ay u baahan yihiin diiwaangelin iyo baaris, isla markaana aysan ahayn isaga soo bood.

Maxamed Qanyare waxaa uu sheegay in ciyaar gelin dambe ay tahay isla markaana aan la isaga hari doonin xariga loo geystay Cabdi Qeybdiid oo uu sheegay in uu yahay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, wuxuuna Qanyare carrabka ku adkeeyay in xilkaas uu isagu u magacaabay, isla markaana ay madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaruhuba ogaayeen.

Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliyeed garabkeeda Muqdisho ay aad uga xun tahay xarigga loo geystay Cabdi Qeybdiid, wuxuuna dowladda Sweden ugu baaqay in ay sarkaalkaas xoriyaddiisii dib ugu soo celiso, isla makraana ay xarigiisa ka bixiso raaligelin iyo cudurdaar.

Bannaanbaxan maanta ka dhacay fagaaraha tareebuunka ee magaalada Muqdisho waxaa kale oo ka qeybgalay Xildhibaano ay ka mid yihiin Cumar Xaashi Aadan, Maxamed Ibraahin Xaabsade, C/llaahi Xasan Ganey Firimbi, Ibraahim Cumar Sabriye Shaaweey, Guddoomiyaha Gobolka Bay Maxamed Cali Aadan Qalinle, Maxamed Faarax Jimcaale, C/llaahi Shiikh Xasan iyo xubno kale.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






 




Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo isagoo aan ku guuleysan in uu sii daayo Cabdi Qeybdiid u socdaalay Dalka Ingiriiska

Arbaco, October 19, 2005(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Lund ee dalka Sweden ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Md. Shariif Xasan Shiikh Aadan uu maanta gelinka dambe u amba baxayay Dalka Ingiriiska, halkaasi oo uu uga qeybgelayo shir loo qabtay Guddoomiyayaasha Baarlamaannada Afrika.

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo kulamo la yeeshay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladda Sweden uma aysan suurtagelin in uu xabsiga ka sii daayo Col. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, kaasi oo wafdigiisa ka mid ahaa, waxaana taasi ugu wacan sida ay wararku nagu soo gaarayaan iyadoo Golayaasha Dowladda Sweden ee Sharci dejinta, Fulinta iyo Garsoorka ay kala madax banaan yihiin, sidaas darteedna aysan xubnaha dowladda ee ay is-arkeen Md. Shariif Xasan aysan faragelin ku sameyn karin Qeybta Garsoorka.

Labo Xildhibaan oo la socon doona xariga Cabdi Qeybdiid ayaa Sweden u jooga, kuwaasi oo ka haray Wafdigii Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo maalinta berri ahna maxkamad la soo taagi doono Cabdi Qeybdiid oo ay Booliska Dalka Sweden u xireen sabab la xiriirta in uu ka qeybqaatay Xasuuq ka dhacay Soomaaliya sanadihii sagaashameeyadii, waxaana xariggiisa ka dambeeyay dhalinyaro Soomaali ah oo degan dalka Sweden, kuwaasi oo ku eedeeyay in uu dad ka laayay.

Cabdi Qeybdiid eedeyntaas loo soo jeediyay gaashaanka ayuu ku dhuftay, waxaana loo qabtay qareen u dooda oo ku dhinac dhiga dacwadda lagu soo oogay ee ku saabsan in uu yahay dembiile dagaal. Cabdi Qeybdiid marar kala duwan ayuu gacanyarayaal u kala ahaa hoggaamiyihii geeriyooday ee Jen. Caydiid iyo Cusmaan Caato oo haatan ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Xarigga Cabdi Qeybdiid ayaa sheegaya in kiiska Korneelka ay la wareegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden, kuwaasi oo eegi doona waxyaabaha dhab ahaan lagu heysto Cabdi Qeybdiid oo haatan ku xiran Xabsi ku yaala magaalada Gothenburg ee dalka Sweden.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






 




MUUSE SUUDI YALAXOW: "Haddii Dembi Dagaal la isku maxkamadeynayo waxaa ugu horeeya C/llaahi Yuusuf oo afkiisa ka sheegtay in uu 30 sano dagaal ku jiray, dad badanna uu laayay"

Muuse Suudi Yalaxow, Wasiirka Ganacsiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed

Arbaco, October 19, 2005(HOL): Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed Muuse Suudi Yalaxow ayaa sheegay in xarigii dalka Sweden loogu geystay Col. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ay ka dambeeyeen dad ku heyb ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, kuwaasi oo sida uu yiri si rufyaannimo ah loogu wargeliyay in uu Cabdi Qeybdiid Sweden ku sii jeedo, isla markaana ay dacweeyaan marka uu agtooda tago.

Muuse Suudi waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in Ciidamada Booliska Sweden la tusay caddeymo muujinaya Cabdi Qeybdiid oo wax xasuuqaya, wuxuuna sheegay Wasiirka in aaney jirin cid sawir ka qaadi kartay ninkaas oo wax leynaya oo meydad dul taagan.

"Sawirradaas waxay la mid yihiin kuwii caalamka looga tuugsan jiray, dadka sawirayna waxay la mid yihiin kuwii sawirka ka qaaday naag cunugeedii nuugaayo oo tixsi ku rogo, kuwaasi oo caalamka wax uga doontay"ayuu yiri Muuse Suudi oo ugu baaqay Dowladda Sweden in ay dalkeeda ka ceyriso dadka beenta u sheegaya ee ay lacagta ceyrta ah siiso.

Muuse Suudi waxaa uu sheegay in haddii dembi la galay la isku maxkamadeynayo uu ugu horeeyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo sida uu yiri sheegay in uu ahaa ninkii dagaalka ku bilaabay dowladdii hore ee Soomaaliya, isla markaana dad badan laayay, "Haddii Dembi Dagaal la isku maxkamadeynayo waxaa ugu horeeya C/llaahi Yuusuf oo afkiisa ka sheegtay in uu 30 sano dagaal ku jiray, dad badanna uu laayay" ayuu yiri Muuse Suudi.

Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Muuse Suudi Yalaxow waxaa uu intaas ku daray in arrinta xarigga Cabdi Qeybdiid ay si gaar ah uga dambeeyay sida uu hadalka u dhigay Jufada hoose ee Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, "Arrintan waxay u dhaxeysaa Jufada hoose ee uu ka dhashay C/llaahi Yuusuf iyo Soomaali inteeda kale, Daaroodka kale arrintan shaqo kuma lahan, sidoo kalena Majeerteenka kale lug kuma lahan"ayuuna yiri Muuse Suudi oo ku eedeeyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf in dagaalkii uu gudaha ka waday uu Dibadda u gudbiyay, isla markaana uusan dib u heshiisiin rabin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






 


Hiiraan Online
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2005 Hiiraan Online