Shiikh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in Dowladda Federaalka ay tahay mid aan Islaami ahayn, isla markaana ay dowlad Islaami ah dhisayaan
Khamiis, October 13, 2005(HOL): Hoggaamiye Diimeedka sida weyn loo yaqaano ee lagu eedeeyo in uu xiriir la leeyahay Ururka Al-Qaacidda Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa wacad ku maray in uu dowlad Islaami ah ka hirgelin doono dalka ay sharci darrada ka jirto ee ku yaala Geeska Afrika.
"Dunida reer Galbeedku wey nagu xushmeyn doonaan fikradaha aan ku xulaneyno qaabkii aan dalkeena u xukumi lahayn iyo weliba qaabkii uu ganacsigeena noqon lahaa, taasina waa xuquuqdeena"ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir oo muujinayay in uusan raali ka ahayn faragelin dibadda uga timaada Soomaaliya.
Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Culumaa’udiinka sida weyn looga yaqaano dalka Soomaaliya ayaa wixii ka dambeeyay 11-kii September ee sanadkii 2001 waxaa lala xiriiriyaa Ururka Al-Qaacidda, iyadoo warbixin dhawaan ka soo baxday Qaramada Midoobayna lagu sheegay in Sheekhu uu hubeynayo boqolaal rag, si ay uga hortagaan awood ay yeelato Federaalka Soomaaliyeed.
Sheekh Xasan waxaa kale oo uu sheegay in saaxibadiisa Islaamka ah oo ay ku jiraan maleeshiyooyin hubeysan aysan nasan doonin ilaa ay ka hirgeliyaan Soomaaliya Dowlad Islaam ah, wuxuuna intaas ku sii daray in uu ka soo horjeedo in wax lagu doorto qaabka reer galbeedka ee Dimoqraadiyadda, isagoo beesha Caalamkana ugu baaqay in ay Soomaalida iyaga u daayaan in ay aayahooda ka tashadaan.
Shiikh Xasan waxaa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo iimaan iyo Diin leh, isagoo Dowladda haatan ka jirta Soomaaliyana ku tilmaamay mid aan Islaami ahayn, sidaas darteed ay dhisanayaan Dowlad Islaam ah.
Mar la weydiiyay in uu weligiis xiriir la sameeyay Hoggaamiyaha Ururka Al-Qaacidda Shiikh Osama Bin Laden iyo in uu Dowladda Eretrea oo cadaawad soo jireen ah kala dhaxeyso Dowladda Ethiopia ayuu Shiikh Xasan ka gaabsaday in uu jawaab waafi ah ka bixiyo labadaas su’aalood, inkastoo uu qiray in uu xiriir la sameysan karo ciddii uu doono.
Saraakiil Mareykan ah ayaa dhowr jeer waxay ku cel celiyeen in Dalka Soomaaliya oo aan lahayn dowlad dhexe oo shaqeneysa tan iyo markii qab qablayaasha dagaalka ay xukunka ka tuureen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum Maxamed Siyaad Barre uu hoy u noqday kooxo argagixiso ah, iyadoo baaritaano la sameeyayna ay sheegeen in weeraro qaraxyo ahaa oo lala beegsaday goobo ku yaala magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa sanadihii 1998-kii iyo 2002 laga qorsheeyay Soomaaliya.
Shiikh Xasan Daahir waxaa uu sheegay in dad cadawgiisa ah ay ku eedeeyaan in uu yahay argagixiye, isagoo meeshana ka saaray in dadka Muslimiinta ah ay sidoo kale yihiin kuwo argagixiso ah.
Sanadihii sagaashameeyadii ayay warbixintan oo aan ka soo xiganay website-ka sudantribune sheegeysaa in uu Sheekhu ka mid ahaa aas aasayaashii Urur Diimeedka Al-Itixaad, iyadoo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Mr. Meles Zenawi uu ciidamo dhowr jeer u diray gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo ka hortegayay Dhaqdhaqaaqyada Ururka Al-Itixaad oo kadibna garab ka mid ah laga takhalusay sida ku cad warbixintan, iyadoo markaasi kadibna ay xubnihii ururka u weecdeen dhinacyada Hoogaanka Masaajidyada iyo in ay Macalimiin ka noqdaan Dugsiyada lagu barto Diinta Islaamka.
Laakin Shiikh Xasan Daahir waxaa uu sheegayaa in aysan haatan jirin wax Al-Itixaad la yiraahdo oo isaga si gaar ah loogu shabadeeyo, isagoo tilmaamay in uu haatan hoggaamiyo Xisbi Siyaasadeed oo loogu magac daray Golaha Midnimada iyo Badbaadada Soomaaliyeed (Somali Salvation and Unity Council), wuxuuna intaas ku sii daray in uu ku caawiyay Maxkamadaha Islaamiga ah ee ka dhisan magaalada Muqdisho in ay dadka u qabataan waxyaabihii ay dowlad u qaban lahayd sida sugidda ammaanka iyo waxyaabaha kale ee ay dadka isku qab qabsadaan, kuwaasi oo si waafaqsan shareecada Islaamka lagu kala saaro.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia |