STN
Idaacadda Habeenimo Idaacadda Galabnimo Idaacadda Duhurnimo
Somalihome Online
Somali Peace Process
SomaliUK.com
Soomaali
Suxufi
SUSA Netowrk
STN-TV.NET
Waqooyi Bari Kenya
Widhwidh
Yoobsantimes

Arab News





Wararka Maanta Talaado, January 11, 2005










· Qoraal ku saabsan Qorshaha ay Xukuumadda Federaalka ku howlgeli doonto Shanta sano ee soo socota
· Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland oo Xukuumadda Somaliland ku eedeeyay in ka dambeyso dilal ka dhacay Hargeysa iyo Ceel Af-weyn
· Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Ottawa oo Dhambaal Hambalyo u dirayaa Jen. Cadde Muuse
· Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in ay Muqdisho ku soo dhaweynayaan Dowladda Cusub
· Maxamed Cabdi Xaashi oo markii looga guuleystay Doorashadii Madaxweynenimada Puntland kadib ku sii jeeda Dalka Mareykanka












Xildhibaanada Baarlamaanka oo galabta loo qeybiyay Qoraal ku saabsan Qorshaha ay Xukuumadda Federaalka ku howlgeli doonto Shanta sano ee soo socota

Talaado, January 11, 2005 (HOL) @20:00GMT: Guddi heer Wasiirro ah oo loo xil saaray in ay soo diyaariyaan Qorshe Howleedka Xukuumadda Federaalka ah ayaa markii ay ka soo faraxasheen Howshii loo xil saaray waxay galabta u gudbiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka oo shir ku yeeshay Hotel-ka 680 ee magaalada Nairobi qoraalka ku saabsan Qorshaha Xukuumadda, kaasi oo ay Xildhibaanadu ka soo baaraandegi doonaan.

Xildhibaanada ayaa la sheegay in ay qoraalka soo heysan doonaan muddo 24 saacadood ah, kadibna ay maalinta Khamiista ah u qaadi doonaan codka kalsoonida Xukuumadda, xiligaasoo ay diidi doonaan ama ay ogolaan doonaan.

Waxaa jiro Xildhibaano hadallo hordhac ah bixiyay oo ka hadlay in ay Xukuumadda kalsooni heli doonto iyo in ay weyn doonto, waxayna Xildhibaanada kala ah Axmed Cumar Jees, Cali Baashi Cumar Rooraaye iyo Caasha Axmed Cabdalla ay sheegeen in Xukuumaddan aysan waxba ka duwaneyn Xukuumaddii hore ee ay kalsoonida u diideen, haatana ay wax u dhici doonaan sidii oo kale, halka Xildhibaanada kala ah Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan (Ibbi), Maxamuud C/llaahi Jaamac (Sifir) iyo Xuseen Maxamed Caydiid ay iyana sheegeen in ay rajeynayaan in Xukuumadda ay ka tirsan yihiin ay kalsooni heli doonto, bacdamaa ay Golaha Wasiirrada oo 91 gaaraya, Xildhibaanana ah aysan kooramka ansixinta buuxintiisa wax badan uga harsaneyn, kaliyana ay u baahan yihiin ilaa 40 Xildhibaan oo codkooda kalsoonida ku biiriya.

Sidaasoo ay tahayna warar aynu ka heleyno Nairobi ayaa sheegaya in ay u badan tahay in Xukuumadda cusub ay codka kalsoonida heli doonto, iyadoo taasina lagu sababeynayo in aysan jirin fursad kale oo ay Xildhibaanada Baarlamaanka u helayaan in ay mar kale ku celiyaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed in uu soo magacaabo Ra'iisul Wasaare, waxaana taasi u sabab ah iyadoo dowladda Kenya ay caddeysay in aysan heynin dulqaad kale oo ku aadan in ay Dowladda Soomaaliyeed dalkeeda sii joogto.

Waxayse warar ka soo yeeraya dadka wax u saadaaliya dhinaca sharta oo leh Xukuumadda kalsooni ma heli doonto, kadibna waxaa imaaneysa in Kenya lagu kala tago oo qolo kasta ay deegaankeedii dib ugu noqoto iyadoo gacmo maran, taasoo ah saadaal aaney dadku badankood qabin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






 




Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland oo Xukuumadda Somaliland ku eedeeyay in ka dambeyso dilal ka dhacay Hargeysa iyo Ceel Af-weyn

Talaado, January 11, 2005 (HOL) @20:00GMT: Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) ayaa maanta ka hor sheegay Golaha uu madaxda u yahay in Xukuumadda Somaliland ay ka dambeyso dilal ka dhacay Hargeysa iyo Ceel Af-weyn, isagoo caddeeyay in haddii aan arrintaas wax laga qaban ay arrintu si kale noqon doonto.

Hadalkan oo ay sii deysay Idaacadda IQK ee magaalada Muqdisho oo soo xiganeysay ilo wareed oo Hargeysa ku sugan ayaa wuxuu intaasi ku darayaa in dad lagu laayay Degaanka Ceel Af-weyn oo ka tirsan gobolka Sanaag loo tirinayo in ay ka dambeeyeen ciidamada Xukuumadda Somaliland , iyadoo horayna magaalada Hargeysa lagu toogtay labo nin oo rayid ah, kuwaasoo dilkooda ay ka dambeeyeen booliska Somaliland.

Arrinta dilalka ku saabsan deegaanka Ceel Af-weyn ayay Xukuumadda u saartay Guddi soo baara jiritaanka dhacdooyinkaas keenay in Guddoomiyaha Golaha Guurtida uu ka soo yeero warkaas dhiillada xambaarsan , waxaana laga war dhowrayaa waxa ay guddigaas ka keenaan deegaanka loo diray.

Dhanka kalena, Meydka Alle ha naxariistee marxuum Maxamed Xawaadle Madar oo habeen hore ku geeriyooday cusbitaal ku yaala magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa lagu wadaa in dabayaaqada todobaadkan la keeno magaalada Hargeysa, halkaasoo lagu aasi doono.

Marxuum Maxamed Xawaadle Madar ayaa ka mid ahaa siyaasiyiintii la soo shaqeysay Xukuumaddii mileteriga ahayd ee 21-ka sano ka soo talineysay dalka Soomaaliya, isagoo weliba xilal muhiim ah ka soo qabtay, wuxuuna ahaa Ra'iisul Wasaarihii ugu dambeeyay ee dowladdaas, iyadoo marxuumka oo ku dhashay magaalada Hargeysa sanadihii sodomeeyadii ay sheegeen dadkii yaqiinay in uu ahaa shakhsi fur furan oo qofkii bartaa aan la col noqon. Ma dhinte waa Ilaah qof kastana wuu dhimanayaa, waxaana leenahay marxuumka Alle ha u naxariisto.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






 




Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Ottawa oo Dhambaal Hambalyo u dirayaa Jen. Cadde Muuse

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Ottawa ayaa waxay tahniyad iyo taageeraba ugu diraynaa mudane Gen. Moxamuud Muuse Xirsi (Gen. Cadde Muuse) Madaxweynaha cusub ee maamul goboleedka Puntland iyo Madaxweyne Ku-Xigeenkiisa Mudane Xassan Dahir Afqurac.

Jaaliyadda ayaga oo ka tarjumaynaa dareen iyo shucuurta faxaddu ku dheehan tahay ayeey waxay u soo gudbinaynaa hambalyo, bogaadin iyo duco in ilaahay la garab galo kuna guuleeyo xilalka iyo mas’uuliyadaha waaweyn ee la idiin doortay.

Jen. Cadde Muuse ayaa waxa uu in mudda ah ku noolaa magaaladan Ottawa ee dalka Canada. Waxaanu ku lahaa saaxib badan oo ay muddo wada deggenaayeen magaalada Ottawa.

" Mudane Madaxweyne, haddaannu nahay jaaliyadda reer Ottawa waxaannu ku rajoweynahay inaad xilkaas lagu saaray uga soo bixi doonto si hufnaan, cadaalad, nabadeyn iyo hawlkarnimo ku dheehan tahay" ayuu yiri Axmed Shabeel oo ku hadlayey magaca Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Ottawa

"Waxaannu hubnaa inaad si dhakhso leh ugu tallaabsan doonto ka shaqaynta nabadda, midnimada iyo horumarka puntland iyo guud ahaan qaranka Soomaaliyeed oo dhan" ayuu ku soo gabagabeey Axmed Shabeel

Waxa tahniyaddan soo saxiixay odayaasha hoos ku qoran ee reer Ottawa.

  • Axmed Ismaaciil Shabeel
  • Axmed Xaji Hirad
  • Axmed Dahir Afqurac
  • Maxamud Sheikh Mursal (Gacameey)
  • Muxyadiin Roble
  • Fadumo Dhoore Xasan
  • Axmed Gure
  • Dr. Cabdillahi Adan Gasl
  • Moxamed Cali Xaashi
  • Sirad Xaashi
  • Cabdirahman Sh. Ismaaciil
  • Saciid Maxamed Camalow





 




Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in ay Muqdisho ku soo dhaweynayaan Dowladda Cusub

Talaado, January 11, 2005 (HOL) @20:00GMT: C/llaahi Xasan Ganey (Firimbi) oo ah ku simaha Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta sheegay in ay dowladda cusub ee Soomaaliya loo soo dhisay ku soo dhaweynayaan magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha waxaa uu intaas in ay diyaareen maamul gobol Banaadir ahaan Xafiisyo 60 ka badan oo ay ku sii howlgeli karto dowladda cusub, kuwaasoo sida uu yiri diyaar u ah in lagu shaqeeyo oo ay dowladda ku sii howlgasho.

C/llaahi Xasan Ganey Firimbi waxaa uu sheegay in ay dalka ku soo hormari doonaan shan hoggaamiye kooxeed oo kala ah Xuseen Caydiid, Cusmaan Caato, Muuse Suudi, Maxamed Qanyare iyo Cumar Filish, kuwaasoo sii sahmin doona in dowladda Muqdisho soo degi karto iyo in kale, wuxuuna caddeeyay in haddii dadka Gobolka Banaadir ay muujin waayaan in ay diyaar u yihiin soo dhaweynta dowladda cusub ay dhici doonto in meelo kale loo wareejiyo halka fariisinka u noqon doonta dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo dalalkii deeqaha ku bixinayay ay dabada uga soo jiraan.

Dhanka kalena, Mas'uuliyiin u hadlay Isbaheysiga SNA ee uu guddoomiyaha u ahaan jiray Eng. Xuseen Maxamed Caydiid oo degan Xaruntii Madaxtooyada ee Villa Somalia ayaa shalay sheegay in ay Xaruntaasi oo la dayactiray ay u diyaariyeen Dowladda cusub, ayna ku soo dhaweynayaan, iyadoo dhawaqaasina ay aad u soo dhaweeyeen dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool Gobolka Banaadir.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






 




Maxamed Cabdi Xaashi oo markii looga guuleystay Doorashadii Madaxweynenimada Puntland kadib ku sii jeeda Dalka Mareykanka

Talaado, January 11, 2005 (HOL) @20:00GMT: Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Puntland ee looga adkaaday doorashadii sabtidii aynu ka soo gudubnay dhacday Md. Maxamed Cabdi Xaashi oo maanta booqasho macsalaameyn taageerayaashiisa ah ugu kicitimay deegaano ka tirsan Gobolka Sool ayaa la sheegayaa in uu maalmaha soo socda u kicitimi doona dalka Mareykanka oo ay degan yihiin qoyskiisa.

Maxamed Cabdi waxaa uu ka sheegay xafladdii shalay ee uu xilka madaxweynenimada ku wareejinayay in uu haatan wixii ka dambeeya siyaasadda ka nasan doono, isla markaana aan la maqli doonin Maxamed Cabdi Xaashi ayaa wax qasaya, isagoo weliba caddeeyay in wixii looga baahdo ee odaynimo ahna uu diyaar la yahay.

Dhanka kalena, Madaxweynaha cusub ee maamul goboleedka Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi ayaa wuxuu magacaabay guddi xaalad deg deg ah oo soo qiimeynaya dadka ku waxyeeloobay Musiibada Bad Gariirkii ku dhuftay Xeebo mara deegaanada Puntland, iyadoo Guddigaasina uu madax ka yahay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Md. Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab, isla markaana ay xubno ka yihiin Cali Cabdi Awaare oo wasiirka dowladaha hoose iyo horumarinta reer Miyiga ka ahaa Xukuumaddii hore.

Sidoo kalena, Madaxweynaha cusub ayaa wuxuu soo saaray wareegto kale oo uu ku xanibayo bixinta kharashaadka ku soo xarooda Qasnadaha maamulka Puntland, iyadoo arrintaasina la sheegay in looga gol leeyahay ogaanshaha dakhliga guud ahaan soo gala maamulka, iyadoo ay wararku sheegayaan in Madaxweynaha uu doonayo in uu bixiyo mushaarooyin dhowr bilood ah oo ka maqan Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland oo arrintaas darteed dhowr jeer gadood sameeyay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






 


Home
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2004 Hiiraan Online