Idaacadda Habeenimo Idaacadda Galabnimo Idaacadda Duhurnimo
Somalihome Online
Somali Peace Process
SomaliUK.com
Soomaali
Suxufi
SUSA Netowrk
STN-TV.NET
Waqooyi Bari Kenya
Widhwidh
Yoobsantimes

Arab News





Wararka Maanta - Sabti, January 08, 2005










· Jen. Cadde Muuse oo ku guuleystay Doorashadii Madaxweynenimada Puntland
· Qaar ka mid ah Culumaa’udiinka iyo Dhaqaatiirta Muqdisho oo ka soo horjeestay in ciidamo shisheeye dalka Soomaaliya la geeyo
· Golaha Guurtida Beesha Hawiye oo soo dhaweeyay dhismaha xukuumadda cusub, baaqna u jeediyay beelaha colaaddu ugu dhaxeyo gobollada Mugug iyo Galgaduud
· Wasiirradii lagu soo daray Liiska Xukuumadda cusub ee Soomaaliya oo durba ka qeylinaya xilalka loo magacaabay












Jen. Cadde Muuse oo ku guuleystay Doorashadii Madaxweynenimada Puntland

Sabti, January 08, 2005 (HOL) @15:00GMT: Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maanta ay hoolka shirarka Golaha Baarlamaanka Puntland ka dhacday doorashadii Madaxweynenimada Puntland, iyadoo shalayna ay ku ekeyd xiligii Dowladdii hore.

Tartankan oo ay u taagnaayeen in ka badna toban Musharax ayay qaar ka mid ah tanaasuleen, qaarna ay bixin waayeen shuruud lacageed oo lagu xiray, waxayna aakhirkii noqdeen musharixiinta u tartameysay jagada Madaxweynenimada shan musharax oo kala ah:

Jen. Cadde Muuse Xirsi
Maxamed Cabdi Xaashi
C/raxmaan Faroole
Eng. Abshir Muuse

Iyo Caash Geelle Diiriye, inkastoo ay Caasha ka tanaasushay musharaxnimadeeda markii ay doorashada bilaaban rabtay.

Doorashadii Madaxweynaha oo ay isugu soo hareen afarta musharax ee kale ayaa waxay seddexdii wareeg ee doorashada u kala heleen Codadka Baarlamaanka sidan:-

Wareeggii koowaad

Maxamed Cabdi Xaashi 27 Cod
Jen. Cadde Muuse 18 Cod
C/raxmaan Faroole 15
Eng. Abshir Muuse 05
(Eng. Abshir wareeggan ayuu ku haray)

Wareeggii labaad

Maxamed Cabdi Xaashi 29 Cod
Jen. Cadde Muuse 21 Cod
C/raxmaan Faroole 15 Cod
(Farole ayaa isna wareeggan ku haray)

Wareeggii seddexaad

Jen. Cadde Muuse 35 Cod
Maxamed Cabdi Xaashi 30 Cod

Sidaas waxaa Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland ku noqday Jen. Cadde Muuse oo wareegii ugu dambeeyay uga guuleystay Madaxweynihii xilkan soo hayay, wuxuuna Jen. Cadde sheegay in uu wax badan ka qaban doono dhibaatooyin dhinacyo kala duwan leh oo ka jira deegaanada Puntland, isagoo weliba xusay in doorashadii ay u dhacday si Dimoqraadi ah.

Maxamed Cabdi Xaashi oo isaguna hadal kooban jeediyay ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Puntland Jen. Cadde Muuse, isagoo caddeeyay in uu la shaqeyn doono. Waxaa xusid mudan in intii aysan doorashada gelin Musharixiinta u tartameysay Madaxweynenimada Puntland la dhaariyay, isla markaana laga saxiixay in midkii laga guuleysto uu la shaqeynayo kan ka guuleystay.

Markii Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Md. Cusmaan Dalmar uu ku dhawaaqay guusha Madaxweynenimo ee Jen. Cadde Muuse ayaa mar kaliya waxaa magaalada Garowe is-qabsaday Madaafiic iyo rasaas ay ridayeen Ciidamada maamulka Puntland oo dabcan la dhacsan in Jen. Cadde uu ku soo baxay Doorashada Madaxweynenimada Puntland.

Dhanka kalena, jagada Madaxweynenimada Puntland ayay iyaduna isu soo taageen Musharixiin ay ka mid yihiin Maxamed Yuusud Gaagaab, Axmed Cabdi Xaabsade, Xuseen Ceegaag, Xasan Af-Qurac, Cali Magan Nuur iyo kuwo kale oo aysan noo suurtagelin in aan helno natiijada doorashadooda oo haatan ay Xildhibaanadu u fadhiyaan, inkastoo wararku sheegayaan in laga yaabo in uu ku guuleysto guddoomiye ku xigeenkii baarlamaanka ee is-casilay Md. Xasan Daahir Af-Qurac, haseyeeshee la arki doonee.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Qaar ka mid ah Culumaa’udiinka iyo Dhaqaatiirta Muqdisho oo ka soo horjeestay in ciidamo shisheeye dalka Soomaaliya la geeyo

Sabti, January 08, 2005 (HOL) @15:00GMT: Qaar ka mid ah Culumaa’udiinka Muqdisho, gaar ahaan kuwa madaxda ka ah Maxkamadaha Islaamiga ah iyo Dhaqaatiirta Muqdisho qaarkood ayaa noqday Mas’uuliyiintii ugu horeysay ee ka soo horjeesta in Ciidamo Shisheeye la keeno dalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah Muqdisho oo iyagu dabayaaqadii todobaadkii hore iclaamiyay in dadka ku nool gobolka Banaadir ay Saaladdii Jimcaha ee shalay ahayd kadib ay isugu soo baxaan bannaan Alle bari iyo Towbad keen isugu jira ayaa qudbooyin ay ka jeediyeen halkii ay dadkaasi isugu soo uruureen oo ahayd Fagaaraha Tareebuunka waxaa ay ku soo bandhigeen hadal aan dadka horay loogu sii sheegin oo ahaa in Culumaa’udiinka Soomaaliyeed aysan raali ka ahayn in Ciidamo Shisheeye dalka la keeno.

Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ah Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamiga Muqdisho ayaa sheegay in aysan la gambaneynin diidmadooda ku aadan ciidamo shisheeye oo dalka la keeno, wuxuuna Sheekhu sheegay in aysan keeneynin ciidamadaas wax aan dhibaato ahayn, isagoo soo qaatay dalal la geeyay oo ay wax ka keeni waayeen in ay dhibaato u sii horseedeen mooyee.

Sidoo kalena, Qaar ka mid ah Dhaqaatiirta Muqdisho ayaa iyaguna qaba fikirka Culumaa’udiinkaas mid la mid ah, wuxuuna Dr. C/samad Abiikar Xaaji oo ka howlgala Cusbitaalka Xayaat ee magaalada Muqdsiho uu u sheegay Idaacadda IQK in aysan jirin baahi loo keeno Ciidamo Shisheeye oo weliba sida uu yiri kharash badan lagu bixiyo, wuxuuna taas bedelkeeda ku talo bixiyay in Maleeshiyooyinka Soomaaliyeed ee baahi darteed dadka u waxyeeleeya lacagtaas faraha badan lagu maalgeliyo, taasoo sida ay isagu la tahay uu u arko in xalka nabadgelyo xumida jirta looga bixi karo.

Dhaqaatiir kale oo uu ka mid yahay Dr. Maxamed Axmed (Maxamed Dheere) oo madax ka ah hay’ad ka hortagta faafitaanka cudurka Aids-ka, isla markaana Agaasime ka ah Cusbitaalka Xayaat ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamo Shisheeye oo dalka la keeno ay dhibaatooyin ay ka mid tahay Caafimaad darro ay la imaan doonaan, wuxuuna ka digay in arrintaas loo ololeeyo.

Laakin qaarkood ayaa waxay qabaan in ciidamada la keeno dalka, haseyeeshee marka ay dalka soo gelayaan caafimaadkooda la baaro, kuwii cudurro qabana la iska celiyo. Isku soo wada duub, diidamada ku saabsan in ciidamo shisheeye dalka la keeno ayaa marka culumaa’udiinka la eego waxay muujinayaan in ay dhaqan xumo la imaan doonaan, halka dhaqaatiirtana ay muujinayaan in ay dhibaato caafimaad la imaanayaan, bacdamaa la sheegay in ciidamada loo soo dirayo Soomaaliya ay ka imaanayaan dalalka Afrika, weliba kuwo uu cudurka halista ee Aids-ka faro ba’an ku hayo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Golaha Guurtida Beesha Hawiye oo soo dhaweeyay dhismaha xukuumadda cusub, baaqna u jeediyay beelaha colaaddu ugu dhaxeyo gobollada Mugug iyo Galgaduud

Sabti, January 08, 2005 (HOL) @15:00GMT: Afhayeenka Golaha Guurtida Beesha Hawiye Md. C/llaahi C/lle Wehliye ayaa sheegay in Golaha Guurtida uu soo dhaweynayo Xukuumaddii uu shalay soo dhisay Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi.

Afhayeenku waxaa uu sheegay in ay dadku soo dhibaatoodeen, wax ay ku diidaan dowladda loo soo dhisayana aysan jirin, isagoo xusay in dowlad xun ay dowlad la’aan dhaanto.

Dhanka kalena, wuxuu Afhayeenku soo jeediyay baaq nabadeed oo ku wajahan Beelaha Walaalaha ah ee colaadda ugu dhaxeyso gobollada Mudug iyo Galgaduud, wuxuuna ugu baaqay waxgaradka labada beelood in ay isu run sheegaan oo ay meesha ka saaraan munaafaqnimada ay u wada hadlayaan oo uu ku fasiray in uurkooda waxa ku jira iyo hadalkooda ay is-khilaafsan yihiin.

Golaha oo shir ku yeeshay Hotel-ka Happy ee magaalada Muqdisho ayaa u soo jeediyay in ay waxgaradka labada dhinac ay ku baxaan colaaddaas, wixii ay uga baahdaanna ay ula soo noqdaan, iyadoo loo cadeeyay labada beeloodba in aysan jirin faa’iido laga helayo dagaallada dhacaya, isla markaana aysan jirin beel muquunin karta beel kale.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Wasiirradii lagu soo daray Liiska Xukuumadda cusub ee Soomaaliya oo durba ka qeylinaya xilalka loo magacaabay

Sabti, January 08, 2005 (HOL) @15:00GMT: Iyadoo Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi uu shalay ku dhawaaqay xubnaha Golahiisa Wasiirrada oo gaaraya 91 Wasiir ayaa durba waxaa la maqlayaa qeylo dhaan ka soo yeereysa qaar ka mid ah wasiirradaas oo sheegaya in ay diidan yihiin qabashada xilka loo magacaabay.

Xuseen Ceelaabe Faahiye oo ku magacaaban wasiirka Daryeelka Naafada iyo Agoonta ayaa sheegay in xilkaasi uu yahay mid aanu aqoontiisa lahayn, isla markaana uusan diyaar u ahayn in uu qabto, wuxuuna ku dooday Md. Ceelaabe in haddii wax loo magacaabayo ay ahayd in loo magacaabo xil uu gudan karo waajibaadkiisa, wuxuuna caddeeyay in uu yahay nin leh aqoonta Qorsheynta Qaranka oo uu dhowr iyo labaatan sano ku soo dhex jiray.

Sidoo kalena Cali C/llaahi Cosoble iyo Maxmed Ibraahin Qoone oo sida ay u kala horeeyaan ku kala magacaaban Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasiir ku xigeenka Maaliyadda ayaa iyaguna markiiba waxay sheegeen in qaabka wax loogu qeybiyay beel ahaan uu yahay mid aan ku saleysneyn awood qeybsiga 4.5, sidaasi darteedna aysan qabaneynin xilka lagu magacaabay.

Sidoo kalena Xildhibaano ay ka mid yihiin Cumar Ugaas Muumin, Cumar Xaashi Aadan, Maxamed Xuseen Raage, Ibraahin Xabeeb Nuur iyo kuwo kale ayaa iyaguna dhaliishan qaba, inkastoo wararka haatan naga soo gaaraya Nairobi ay sheegayaan in maanta ay xubnahaas kulan wada yeesheen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, isla markaana la xalin doono cabashadooda.

Si kastaba arrintu ha ahaatee is-jiid jiid kale oo dhexmara mas’uuliyiinta ugu sareysa dowladda iyo Xildhibaanada ayaanan noqon doonin mid sii socda waxayna warar aynu Nairobi ka helnay ay sheegayaan in cadaadis xoog badan uu mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliyeed ka soo food saarayo dhinaca dowladda Kenya, kaasi oo ku saabsan in ay dhaqsi ku soo dhameystiraan Dowladdooda, kadibna ay dalkooda u guuraan, taasina ayaana la leeyahay waxayba in baarlamaanku ay ogolaadaan in tiro intaas la eg oo Gole Wasiirro ah uu soo dhiso Ra’iisul Wasaaraha.

Danjire Bethuel Kiplagat ayaa laga soo xigtay in uu yiri “samirka Kenya ee ku aadan in ay u sii dulqaadato culeyska Dowladda Soomaaliyeed ee dul degan Axadda ayuu ku eg yahay”, walow uu xusay in sprit-ka Afrikaannimo uu u diidayo in ay qoorta ka qabtaan Mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliyeed, si ay ugu qasbaan in ay Dalkoodii ku laabtaan.

Waxaa la xusuusan yahay in Madaxweynaha Kenya iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumaddiisa ay iyana ka dhawaajiyeen in ay lagamama maarmaan tahay in Dowladda Soomaaliyeed ay Dalkeeda u guurto, inkastoo ay hadana soo ceyriskooda soo daba dhigayaan Qaansheegad ah in ay lacag ka badan 10 Milyan oo Doollarka Ameerikaanka ah ay shirka Soomaalida uga baxday.

Soo dhameystirka Dowladda Cusub ee Soomaaliya ayay wararku sheegayaan in lagu soo beegayo Xaflad maalinta berri ah oo Axadda ah ka dhici doonta magaalada Nairobi, taasoo ay ka soo qeybgelayaan Mas’uuliyiin ka socota Beesha Caalamka, iyadoo Xafladdaasina loogu talagalay in lagula sii dardaarmo Dowladda iyo Mucaaradka Suudaan oo heshiis ku kala saxiixday dalka Kenya, gaar ahaan Dooxada Naivasha. Sidoo kalena waxaa Xafladdan lagula dardaarmi doonaa Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ka soo qeybgelayaan madax ka kala socota Midowga Yurub, Mareykanka iyo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Kofi Annan, waa sida laga soo xigtay Diblumaasi Kenya u dhashay oo Soomaalida kula taliyay in aysan iska lumin fursaddaas Dahabiga ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2004 Hiiraan Online