Click here for more
Somalihome Online
Somali Peace Process
SomaliUK.com
Soomaali
Suxufi
SUSA Netowrk
STN-TV.NET
Waqooyi Bari Kenya
Widhwidh
Yoobsantimes

Arab News





Wararka Maanta - Khamiis, Feb 17, 2005










· Bam Mooto lagu soo xiray oo Muqdisho ka geysatay Dhimasho iyo dhaawac
· Wafdigii Xaqiiqo raadinta oo ka amba baxay Magaalada Muqdisho
  Hay'adda Saacid oo Dood Wadaag ku saabsan sida Hubka loo dhigi karo u qabatay Gacanyarayaasha Hoggaamiye Kooxeedyadii Dowladda ka mid noqday












Bam Mooto lagu soo xiray oo Muqdisho ka geysatay Dhimasho iyo dhaawac

Khamiis, February 17, 2005 (HOL) @16:00GMT: Hal qof ayaa geeriyooday lix kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii ay qaraxday Mooto Bam lagu soo xiray oo taalay agagaarka Wasaaraddii Arrimaha DIbadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Qofka dhintay iyo dadka kale ee dhaawacmay ayaa dhamaantood waxay ahaayeen dhalinyaro ka timid jimicsi, kuwaasoo markii dhibka soo gaarayay marayay meel aan u dheereyn halka ay Mootadaas taalay.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxay qaraxaas, waxayna dadku isla dhexmarayaan warar is-khilaafsan, qaarkood waxay sheegayaan in Bamka uu ku jiray Baakad Mootada dul saarneyd, halka kuwo kalena ay aaminsan yihiin in waxa qarxay ay ku jireen dhulka hoostiisa, inkastoo hadal heyntu ay u badan tahay in waxa qarxay oo Bambo ahaa lagu soo xiray Mootada dusheeda.

Dad ka dhawaa goobta qaraxa ka dhacay ayaa HOL u sheegay in falkan uu ahaa mid qorsheysan, isla markaana la doonayay in lagu qal qalgeliyo dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho, iyadoo ay intaasi ku dareen in xiliga qaraxu dhacay wax yar ka hor ay meesha mareen WafdigiiXaqiiqo raadinta oo ka soo baxay Hotelka Saxafi oo ay maalmahaan deganaayeen.

Waxaa jiro warar aan si rasmi ah xaqiiqadooda loo heynin balse sheegaya in qaraxaasi loola dan lahaa in lagu waxyeeleeyo WafdigaXxaqiiqo raadinta ah ee maalmahaan Muqdisho ku sugnaa, wuxuuna Ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Md. C/llaahi Xasan Ganey Firimbi uu sheegay in tuhunkaas uu jiro hasyeeshee ay baaritaan ku sameynayaan.

Waa falkii ugu horeeyay oo noociisa ah oo ka dhaca magaalada Muqdisho, inkastoo ay horay u jireen qaraxyo ka dhacay meelo kala duwan oo ka tirsan magaalada, kuwaasi oo ka dhashay waxyaabo qarxa oo dhulka hoostiisa lagu aasay.

Dadka qaarkiis ayaa markii ay maqleen qaraxa waxay maanta ku sheekeysanayeen in kooxo la mid ah ururka Xamaas ee qaraxyada ka geysta dhulalka ay isku hayaan Falastiiniyiinta iyo Israa'iiliyiinta ay ka dilaacayaan Magaalada Muqdisho, iyadoo ay xusid mudan tahay in xiligii UNOSOM II ay ka howlgeleysay Magaalada Muqdisho ay jireen Bambooyin lagu aasayay Waddada dhexdeeda, taasoo ay sahlayeen bur burka Waddooyinka ka soo gaaray Dagaalladii Sokeeye.

Bogga Internet-ka theage.com ayaa shalay qoray in magaalada Muqdisho amar lagu bixiyay in la toogto dadka caddaanka ah, iyadoo qofkii falkaas fulinayana la siinayo lacag abaalmarin ah oo cadadkeeda lagu sheegay US$6400, iyadoo la xusuusan yahay in bannaanbaxyo ay dhigeen kooxo wadaado ah oo fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ay digniin ku bixiyeen in ay dad ajnabi ah Wadanka Soomaaliya soo galaan, Halka Wasiirka cusub ee Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Md. Cusmaan Caato uu dadka ugu baaqay in ay la dagaalamaan haddii C/llaahi Yuusuf uu soo adeegsado Ciidamo Shisheeye oo uu ku hantinayo Magaalada Muqdisho.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, qaraxan maanta dhacay iyo dilkii loogu geystay magaalada Muqdisho Wariyaddii u shaqeyneysay BBC-da ee Kate Peyton ayaa waxay sii xoojinayaan wararka laga sheego magaalada Muqdisho ee ah in aaney xasilooneyn, iyadoo dhanka kalena ay falalkaan hiilo u noqon karaan codsiga Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ee ku aadan in dalka Soomaaliya la geeyo Ciidamo Nabad ilaalineed oo hubkana ka dhiga Maleeshiyooyinka Soomaalida.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






 




Wafdigii Xaqiiqo raadinta oo ka amba baxay Magaalada Muqdisho

Khamiis, February 17, 2005 (HOL) @16:00GMT: Wafdigan oo magaalada Muqdisho ku sugnaa muddo afar maalmood ah ayaa waxay socdaal ugu kicitimeen magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaasoo ay diyaarad ku aadeen.

Xubnaha Wafdigan oo tiradooda ay gaareyso ilaa 14 xubnood ayaa waxay ka kala socdaan Midowga Afrika, IGAD, Jaamacadda Carabta iyo Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, wuxuuna qorshaha socdaalkoodan uu yahay in ay Xaqiiqo rasmi ah ka qaadaan dadka ku dhaqan deegaanada ay booqanayaan.

Muqdisho intii ay joogeen waxaa ay la kulmeen bulshada qeybaheeda kala duwan, iyagoo sidoo kalena booqday meelo ay ku jirto Xarunta Villa Somalia oo haatan fariisin u ah wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Eng. Xuseen Maxamed Caydiid. inkastoo aaney wafdigan wax dhibaato ah kula kulmin meelihii ay booqdeen hadana waxay guddoomayeen dardaaran loogu gudbinayay banaanbax, qoraal iyo hadal, kaasi oo ahaa in aan Soomaaliya la keenin ciidamo shisheeye.

Wafdigan ayaa waxay sidoo kale booqan doonaan gobollada Hiiraan, Bay iyo Kismaayo, inkastoo Ninka Xiriirka Dadweynaha u qaabilsan Wafdiga oo lagu magacaabo C/llaahi Sh. Xasan uu HOL u sheegay in Gobolka Hiiraan oo kaliya ay ka heleen aqbalaad ah in ay booqan karaan, isagoo sheegay in ogolaashadaas uu siiyay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo sida uu yiri qoraal ay u direen oo Fax ahaa uga soo jawaabay.

Sanadkii hore markii ay Wafdigu booqanayeen dalka Soomaaliya ayaa magaalada Baydhabo waxaa ku qabsatay dhacdo la yaab lahayd, taasi oo ahayd in uu nin Maleeshiyo ah oo Bambo gacanta ku sita uu diyaaraddii u soo fuulay, kaasi oo markii ay weydiiyeen waxa uu doonayana u sheegay in uu rabo in Aadan Saransoor oo ay dabcan aad isugu dhow yihiin lagu daro Xildhibaanada Baarlamaanka oo xiligaas xulashadooda ay socotay, dalabkaasoo wafdiga ay si uun uga jawaabeen si ay naftooda uga badbaadsadaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somali
a






 




Hay'adda Saacid oo Dood Wadaag ku saabsan sida Hubka loo dhigi karo u qabatay Gacanyarayaasha Hoggaamiye Kooxeedyadii Dowladda ka mid noqday

Khamiis, February 17, 2005 (HOL) @16:00GMT: Dood Wadaaggan oo ay soo qaban qaabisay Hay'adda SAACID oo kaashaneysay Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta Mashaariicda ee UNDP ayaa waxaa Hotelka Naasahablood ee magaalada Muqdisho loogu qabtay inta badan Gacanyarayaashii Hoggaamiye kooxeedyada Muqdisho ee Dowladda Federaalka ku biiray.

Dood Wadaaggan oo socday muddo Seddex Maalmood ah ayay Gacanyarayaasha ku soo bandhigeen fikradahooda ku aadan sida hubka looga dhigi karo Maleeshiyooyinka ka amar qaata ka sokow Hoggaamiyayaasha, waxayna qaarkood sheegeen in taasi ay ku dhici karto in loo sameeyo xirfado ay ku shaqeystaan oo aan ka kala go'eynin, halka qaar kalena ay soo bandhigeen fikrad ah in aanba Maleeshiyooyinka hubka laga qaadin ee iyaga oo wata hubkooda dhaqaale la siiyo si ay u yaraadaan dhibaatooyinka ay dadka u geystaan.

Badankood waxay isku raaceen Gacanyarayaashu in waxa qoriga u xambaariyay Dhalinyarada ee bahallada ka dhigay ay yihiin iyagoo aanan heysan wax ay ku noolaadaan, "waxay u barteen lacag ay bilaash ku helaan oo ay dadka xoog uga qaataan, marka sida ay anigu ila tahay haddii loo helo dhaqaale waa laga nabadgelaa, waayo subaxdiina beer ayuu ku quraacanaa, dhar fiicanna waa ku labisanaa, markaas isaga ayaanba dooneynin in ay garaafo soo gaarto" ayuu yiri mid ka mid ah ka soo qeybgalayaashii oo fikirkiisa dhiibtay.

Prof. Yaxye Shiikh Caamir oo su'aalaha u qeybinayay Wakiillada Hoggaamiye Kooxeedyada ayaa isagu waxaa uu dhowr jeer ku cel celiyay Raggaas in ay keenaan fikrad dhaqangal ah oo hubka looga dhigi karo dhalinyarada nooc kasta oo ay yihiin, bacdamaa aanan fowdadaan lagu sii jireynin oo mar uun ay dhamaan doonto, haseyeeshee waxaad moodeysay in mararka qaarkood ay is-hareer marayeen su'aalaha Professorka iyo jawaabaha Gacanyarayaasha Hoggaamiye Kooxeedyada.

Raggan Gacanyarayaasha u ah Hoggaamiye Kooxeedyada ayaa ah kuwa ay inta badan is-arkaan Maleeshiyooyinka ka sokow Hoggaamiyayaasha, waxayna ka warqabaan dhaqankooda iyo xaaladahooda, taasi ayaana keentay in ay SAACID go'aansato in ay meel isugu keento oo kadibna ay fikradahooda uruuriso.

Ma ahan Aqoon is-weydaarsigii ama Dood Wadaaggii ugu horeeyay oo ay Hay'adda SAACID qabato, waxayna horay uga soo faraxalatay kuwo ay u qabatay qeybaha kala duwan ee Saraakiisha Ciidanka Soomaaliyeed, Madaxda Maxaakiimta Islaamiga ah, Madaxda Gobolka iyo kuwa Degmooyinka, Mas'uuliyiin ka socotay Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, iyadoo ka sii horna ay Hay'addu Dhaqancelin u sameysay Maleeshiyooyin tiradoodu ka badneyd 300 oo isugu jiray Wiilal iyo Gabdho, Kuwaasoo ay Hubkii ka uruurisay, dabadeedna ay meel fagaare ah ku bur burisay hubkii ay ka uruurisay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somali
a






 




Hiiraan Online
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2004 Hiiraan Online