Wafdigii Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed ee maalmahaan Muqdisho ku sugnaa oo Nairobi dib ugu laabtay
Jimco, February 11, 2005 (HOL) @14:00GMT: Wafdigii ka tirsanaa labada gole ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, isla markaana ay kala hoggaaminayeen Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa labaad Md. Shariif Xasan Shiiklh Aadan iyo Cusmaan Cilmi Boqorre ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Wafdigan oo tiradoodu gaareysay ku dhawaad 50 xubnood ayaa waxay ka dhoofeen garoonka diyaaradaha ee No. 50 ee gobolka Shabeelaha Hoose, iyagoo intii ay joogeen magaalada Muqdishana booqasho ku tegay xarumo muhiim u ah dowladda Federaalka marka ay rabto in ay dalka ka howl bilowdo, sida Xaruntii Madaxtooyada Villa Somalia oo ay gacanta ku hayaan Taageerayaasha Eng. Xuseen Maxamed Caydiid oo dowladda Federaalka ka tirsan, Dekedda Weyn ee Muqdisho, Xarunta Taliska Dhexe, Dugsiga sare ee Booliska, Xaruntii Radio Muqdisho iyo goobo kale oo ay ka mid yihiin Jaamacadaha iyo Dugsiyada Waxbarashada magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Md. Shariif Xasan Shiikh Aadan oo hoggaaminayay Wafdiga goobahaasi booqanayay ayaa dadkii uu la kulmay waxaa uu u sheegayay in ay la yimaadaan towbad keen iyo is-cafin, isagoo markaasi kadibna ka dalbanayay in ay hubka iska dhigaan oo markaasina ay geeyaan meel magaalada ka baxsan, haddii kale waxaa uu Shariifku sheegay in aan laga baxsan doonin in ciidamo shisheeye la keeno dalka.
Guddoomiyaha waxaa intii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho uu kulamo la yeeshay mas'uuliyiin ka socotay Dalladda Culumaa'udiinka Soomaaliyeed iyo Maxkamadaha Islaamiga ah ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho, iyadoo mas'uuliyiintii ka socday dhinacyadaas oo aad uga soo horjeeday in dalka la keeno ciidamo Shisheeye ay warbixin kala qaateen, waxaana xusid mudan in intii uu guddoomiyaha baarlamaanka Muqdisho joogay in uusan marna soo hadal qaadin keenista dalka Soomaaliya ee Ciidamo Shisheeye.
Dabcan, wafdigan oo xubnihiisu ay aad uga soo horjeedaan mowqifka Madadaxweyne C/llaahi Yuusuf ee ku aadan in dalka la keeno ciidamo shisheeye ayaa warbixinta ay ka diyaarinayeen howlgalkooda xaqiiqo raadineed waxaa maalmihii ugu dambeeyay gadaasha kaga soo biiray dhacdo la yaab leh oo ahayd in iridka Hotelka ay deganaayeen ee Saxafi International lagu toogtay Kate Peyton oo ahayd saxafiyad u shaqeyneysay BBC-da, taasoo dhaawac soo gaaray aawgiis ku geeriyootay Cusbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.
Run ahaantii falkaas oo ahaa mid laga naxo wuxuu naaqis badan u keenayaa awoodda warbixinta wafdigan waayo haddii ay dhihi lahaayeen Muqdisho waa meel ammaan la isku haleyn karo uu ka jiro hadana waxaa u taala sheekada ku saabsan dilka wariyaddaas loogu geystay iridka Hotelkii ay ku jireen.
Xaalku waxaa uu u muuqdaa Haddii aan hadalno waa Af salax ku dheg, haddii aan iska aamusnana Ariga leynta laga deyn maayo, sababtoo ah shalay haddii dad loo laayay in ay qabeen fikir ah in aan ciidamo shisheeye dalka la keenin hadana waxaa la taagan yahay in wax loo dilo si ciidamo shisheeye dalka loo keeno.
Arrinta ku saabsan in ciidamo shisheeye dalka la keeno muran weyn ayaa ka taagan, haddii aad dhexgasho dadka caadiga ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho, isla markaana aad weydiiso waxa ay ka qabaan in ciidamo hub ka dhigis sameeya la keeno waxaa kuu soo baxeysa in dadka labo u kala jiraan kuwo raba iyo kuwo diidan, inkastoo ay badan yihiin kuwa qaba in aan ciidamo la keenin.
Waxaa iyana fikirkooda dhiibtay oo todobaadkan war ka soo saaray arrinta ku saabsan in ciidamo la keeno dalka Siyaasiyiin rug caddaa ah laakin haatan aanu kaalinkooda muuqan, kuwaasoo ay ka mid yihiin Prof. Maxamed Faarax Jimcalae, Dr. Xuseen Maxamed Bood, Axmed Abroone Amiin, Axmed Gacali Cali (Carabow), Cali Xaashi Maxamed iyo xubno kale oo ka soo horjeestay in ciidamo la keeno dalka, inkastoo Cali Mahdi Maxamed oo Madaxweyne ka noqday dowladdii ugu horeysya oo dalka laga dhisay markii la eryay dowladdii Mileteriga ahayd uu soo bandhigay fikrad ku koobneyd isaga oo ahayd in ay lagama maarmaan tahay in ciidamo hub ka dhigis sameeya, ammaankana suga la keeno, isagoo tusaale u soo qaatay dowladihii ay madaxda ka kala ahaayeen isaga iyo C/qaasim Salaad, kuwaasoo uu sheegay in ay bur bureen kadib markii ay shacabkii oo hubka gacanta ugu jiro ay ka awood badiyeen isla markaana ay shaqeyn waayeen, inkastoo uu hadana ku talo bixiyay in ciidamadaas aysan noqon kuwo ka socda dalalka safka hore.
Arrintu waxay taagneyd diidmada ciidamo shisheeye oo dalka la keeno, waxaase arrinta diidmada sii xoojiyay markii ay soo baxeen warar sheegaya in la qorsheynayo in ciidamo ka socda dalalka safka hore ay ciidamo u soo dirayaan dalka Soomaaliya, walow ay dalalka Eritrea iyo Kenya ka lug jiidayaan in ay ciidamo u soo diraan Soomaaliya, halka la sheegay in Ethiopia oo cadaawad hore kala dhaxeysay Soomaaliyana ay u baxbaxsaneyso in ciidamo ka socda Soomaaliya u dirto.
Arrintaas waxaa ka guuxay oo diidmo ka muujiyay inta badan shacabka Soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan Culumaa'udiinka, Mas'uuliyiinta Maxkamadaha Islaamiga ah ee fadhigoodu Muqdisho yahay iyo weliba Ciidamadii ku naafoobay dagaalkii 1977-kii ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaasoo ku dandareysan Cusbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho.
Naafada ku jirta Cusbitaalka Martiini ee dagaalkaas ku soo naafoobay af-hayeen u hadlay oo lagu magacaabo Cabdi Mahad ayaa sheegay in aysan yeeli doonin in ciidamo ka socda dowladda Itoobiya oo dagaal ay la galeen ay ku naafoobeen in ay dalka soo galaan oo hubka ka dhigaan oo kadibna ay sidii ay doonaan ka yeelaan.
Si kastaba Arrintu ha ahaatee Wafdiga ka socday Dowladda Federaalka ee maanta Nairobi ku laabtay ayaa ka warbixin doona waxyaabihii ay ku soo arkeen magaalada Muqdisho, inkastoo ay ahaayeen kuwo Hotel ku jiray oo marka ay rabaan in ay meel booqdaan lagu galbinayay Tiknikooyin aad u fara badan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia |